Maxay ka wadahadleen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Dhiggiisa dalka Itoobiya?

Wajaale-(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa ka warramay nuxurka kulammo uu dalka Itoobiya kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamanka dalkaas.

Guddoomiyaha Wakiillada oo Safar maanta dalka soo gaadhay ka dib markii uu soo dhammaystay safar muddo toddobaad ku dhaw qaatay oo uu ugu maqnaa dalkaas,ayaa socdaal dhinaca dhulka ah ku soo maray magaalada Wajaale ee gobolka Gabilay, waxaanu Saxaafadda halkaa ugaga warramay guulaha safarkiisa iyo sababaha keenay.

Cabdiraxmaan-Cirro oo ka hadlaya qaabka uu u tagay Itoobiya waxa uu yidhi; “Marti qaad rasmi ah oo aan ka helay Baarlamaanka dalka Itoobiya munaasibadii ku beegnayd maalinta qoomiyadaha dalkaas oo lagu marti qaaday dalalka la jaarka Itoobiya iyo guud ahaan dalal badan oo Afrikaan ah, munaasibadaas oo lagu qabtay magaalada Makale ee Gobolka Tigrey.”  

“Sannadkiiba meel lagu qabtay kii ka horeeyayna waxa lagu qabtya Diridhaba oo waanu ka qaybgalnay, taasi waxay muujinaysaa cilaaqaadka wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, waxaana marti qaadkaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha iyo masuulyiin badan oo ka socday Gobollada dalkaas. Waxa kale oo goob-joog ka ahaa Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

waxa uu sheegay in dhiggiisa Baarlamaanka federaalka Itoobiya kulanka uu la yeeshay ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha diblomaasiyada labada dalka iyo xidhiidhka ka dhexeeya ee qotada dheer. Waxaanu xusay in uu dalka Itoobiya kaga qayb galay xuska qomiyadaha qaranka Itoobiya oo lagu marti qaaday madax badan oo ka socday dalalka Itoobiya la jaarka ah. Waxaanu Cirro tilmaamay inay wakhtigan siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland meel aad u fiican marayso. Waxa Intaa ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), u soo gudbay dhinaca Caasimadda Hargeysa.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.