Muwaaddin sabab la’aan habeenkii labaad Xabsi ugu xidhan Madaxa hawlgelinta Wershadda Laydhka Berbera

Berbera-(Berberanews)- Axmed Maxamed Siciid oo ah nin dhalinyara oo reer Berbera ah, ayaa sharci la’aan habeenkii labaad caawa ku xidhan Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Berbera, kaasoo la sheegay in sababta lagu xidhay tahay maqaal toosin ah oo uu ka qoray Koronto xumo soo food-saartay Berbera.

Axmed Siciid Maxamed oo Weriye ka tirsan shebekadda Berberanews ku booqday Saldhigga uu ku xidhan yahay ayey u suuragashay inuu uga warramo qaabka loo xidhay, waxa lagu xidhay, cidda xidhay iyo waxa illaa hadda loo haysto. Mr. Axmed waxa uu sheegay in markii la soo xidhayey haba-yaraatee wax waaran ah oo lagu soo kaxeeyey ama loo geeyey jirin, waxaanu yidhi; “Toddobadii iy badhkii xalay ayaa la isoo xidhay, wax waaran ah oo la igu soo qabtayna ma jirto, welina waxaan ku xidhanahay Saldhigga Booliska Berbera.” “Xalay anigoo guri nin Deeq la yidhaahdo leeyahay oo Moosko ku yaalla ayuu Taliyiha Ciidanka C.I.D-da Berbera haysta oo la yidhaahdo Ibraahin Foodcadde u ii yeedhay waan soo raacay markii isaga oo Laba Askari wata, Saldhigga Booliska ayaa la I keenay, markii Saldhigga la I keenay waad xidhan tahay baa la I yidhi ee Kabaha iyo Suunka bixi, waayahay baan idhi oo waan galay.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Siciid oo u warramay Weriyaha Saldhigga ku booqday maanta.

Waxa uu sheegay Axmed Siciid in saaka toddobadii subaxnimo laga saaray Saldhigga, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Toddobadii subaxnimo ee saaka ayaa Xafiiska Baadhista la iiga yeedhay, waxa la yidhi waxa ku soo dacweeyey madaxa hawlgelinta Wershadda laydhka Berbera Cabdishakuur, maqaal baad qortay baa la igu yidhi, waxaad ku sheegtay arrimo badan in laydhku bakhtiyo, in Wershadda korontada laga  lunsaday Lacag.”  

“Waxaan su’aalahaa kaga jawaabay, Maqaalka anigaa qoray, waxaanan u qoray inaan toosiyo. Waxaana ii fasaxaya inaan fikirkayga cabbiri karo Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland oo muwaaddiniinta u dammaanad-qaaday Xorriyatul-qawlka, oo dhigaya in qofka muwaaddinka ahi fikirkiisa ku cabbiri karo qoraal, sawir, hadal, bannaan-bax iyo wixii la mid ah. Sidaa ayaan ku idhi. Dabadeedna waxa la I weydiiyey, maxaa idinka dhexeeyey Ninka Wershadda haysta, waxba nagama dhaxayn baan idhi.” ayuu hadalkiisa raaciyey Axmed Siciid Maxamed.

Axmed Siciid waxa uu sheegay in kiiskiisa isla saakaba loo gudbiyey Xeer-ilaalinta gobolka Saaxil, isla markaana ay Xeer-ilaalintu u gudbisay Maxkamadda. “Xeer-ilaalinta ayaa la ii gudbiyey, Xeer-ilaalintu waxay Maxkamadda u dirtay qoraalkii, in saddex cisho oo xadhig ah jeelka la ii jaro ayey saxeexday. Ma cid baa sirtan ku siisay, maadigaa qoray, colaadi miyey jirtaa waxaas ayaa la I waydiiyey, waanan uga jawaabay, laydh xumada ayuun baan ka hadlay baan ku idhi ninka Maxkamadda haysta.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Siciid, waxaanu sheegay in dib loogu celiyey Saldhigga Booliska Berbera oo uu wakhtigan ku xidhan yahay.

Axmed Siciid Maxmed oo maqaalka uu qoray toddobaadkan lagu baahiyey Shabakadda wararka ee Berberanews.com iyo qaar kale oo ka mid ah Mareegaha Internet-ka Somaliland, mana jirin wax qadaf iyo gef ah oo uu sameeyey iyo dembi uu cid ka galay oo loo haystaa, hase ahaatee, maqaalku waxa uu ka hadlayey laydh xumo soo wajahday magaalo-xeebeedda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, iyada oo muwaaddinku xor u yahay inuu cabbiro fikirkiisa, isaga oo ku cabbiri kara qoraal, hadal, muddaharaad, sawir iyo wixii la halmaala ee uu aragtidiisa saxan ku gudbin karo.

Balse waxay tallaabadan lagu xidhay ka soo horjeedda Xorriyatul-qawlka Dastoorka Somaliland u dammaanad-qaaday muwaaddiniinta iyo madax-bannaanida fikirka xorta ah ee muwaaddinka, waxaana mid ka mid ah dhaqammada lagu yaqaanno inta badan waddammada ay dawladaha kali-taliska ah iyo xukunnada Millaterigu ka taliyaan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.