Suuriya oo ay Maanta ka Socdaan Doorashooyin iyo Dagaallo

Syria-12,Dec,2011-(Berberanews)- Dalka Suuriya ayaa maanta waxa iska barbar socda doorashooyin ay qabatay dawladda Madaxweyne Asad ee go’doonka ku jira iyo dagaallo u dhexeeya ciidammada iyo maleeshiyooyin ku biiray mudaharaadayaasha ka soo horjeeda rajiimka talada haya.

Doorashooyinkan oo ah kuwa dawladdaha hoose ayuu maamulka Bashar Al-Assad ugu talogalay inay ku qaboojiso mowjadaha mudaharaadada muddada sagaalka bilood ah ka socday dalka ee lagaga soo horjeedo Xukuumadda, waxa la la filayaa inay dad koobani ka qaybgalaan kadib markii kooxaha xuquuqda aadamuhu shacabka ugu baaqeen inay qaadacaan.

Haseyeeshee, wararka Suuriya ee SANA ee dawladdu maamusho ayaa sheegtay in dad badani ka qaybgalaan doorashada, iyadoo baahisay sawirro dad codaynaya oo kuyuu ku jira. Waxaanna doorashadan ayaa waxa ka qaybgalaya 43,000 murrashax oo ku tartamaya 17,588 kursi oo qayb ka ah 1,337 ee hab-maamulka dalka.

Dhinaca kale, waxa dalka socda dagaallo iyo iska horimaadyo u dhexeeya ciidammada dawladda iyo mudaharaadayaasha oo ay taageerayaan kooxo maleeshiyaad ah oo ka goostay millatariga, waxaanna sida ay sheegeen golaha kacaanka Suuriya Isniintii maanta la dilay 6 qof.

Doorashadan iyo iska horimaadyadan dhimashada keenay ayaa imanaya maalin uun kadib markii boqolaal maleeshiyaadka ciidammada ka goostay ka mid ah uu dagaal lagu tilmaamay kii ugu cuslaa dhinaca Koonfurta ku dhexmaray ciidammada dawladda.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com

b