“Madaxweyne Silaanyo waxaan kula talinayaa ha dhibsan weriyayaashu waa kuwa ku toosinaya ee qaladaadka kuu sheegaya, kuwa agtaada joogaana way ku lug-goynayaan..” Dr. Gabboose

Hargeysa-12,Dec,2011-(Berberanews)- Dr. Maxamed Cabdi Gabboose; Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, ayaa ku dhalliilay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Silaanyo inuu yahay masuul u nugul oo aan dulqaad u lahayn dhaliisha saxaafaddu ka qorto maamulkiisa.

Dr. Gabboose waxa uu kula taliyay Madaxweyne Silaanyo inuu ka faa’iidaysto gol-daloolooyinka saxaafaddu farta ku fiiqdo, oo aanu u arag kuwo isaga cadow ku ah ee toosin u ah dhaliilihiisa, kana feejignaado talooyinka curracan ee kuwa ka ag dhawi badda ugu macaanaynayaan, iyagoo nasteexiisa iska dhigaya.

 

Dr. Gabboose oo hadalkan ka sheegay munaasibad uu ugu wanqalay Urur-siyaasadeed cusub oo uu saaka kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa waxa uu ugu horayn ugu mahadceliyay Madaxweynaha tallaabo uu ku sifeeyay “Geesinimmo iyo go’aan adayg” Madaxweynuhu kaga dhabeeyay ballanqaadkiisii furashada ururada siyaasadda, haseyeeshee waxa uu Gabboose hoosta ka xariiqay dhalliilaha xukuumadda Madaxweyne Silaanyo, gaar ahaan dhinaca saxaafadda, waxaannu tusaale u soo qaatay dhacdo dhexmartay John F Kenedy; waa mid ka mid ah madaxweynayaasha taariikhda ku leh Maraykanka iyo inankiisa, isagoo arrimahas ka hadlayana waxa uu yidhi;

“Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo  fursadan maanta isaga la’aantii aanay suurgesheen geesinimmo iyo go’aan adag oo uu ku lahaa xisbigiisa,  shacabkiisana uu taladiisa weydiiyay iyo ballan-qaadkii ololaha uu sameeyey is waafajiyey oo u badheedhay inuu Xisbigiisu tartanka galo hadduu doono ha dhacee.

Waxaan u hayaa cisi iyo sharac, anigoo huba dalkiisa iyo dadkiisa iinuu daacad u yahay [Madaxweyne Silaanyo] laakiin taasi kama madhna in wax badan ka khaldanaan karaan, waxaana sida Faysal sheegay mucaaridka loo sammaystay maaha inay caayaan, wax burburiyaan oo midnimada kala qaybiyeen laakiin aad walaalkaa u tilmaanto halka wax ka khaldanyihiin, haddii uu garaadkiisa isticmaalona wuu garan karaa waxa loo sheegayaa inay run yihiin iyo inay wax isaga lagu xumaynayo yihiin.

“Madaxweyne Siilaanyo waxaan kula talinayaa inuu dib u xasuusto Madaxweynihii dhalinyarada ahaa ee John f Kanadi oo dalka ugu baaxadda weyn ka dhashay ee Maraykanka , oo Aabbihii habeen yimi gurigii ku casuumay oo inankii ku cawday dedaalka faraha badan ee uu ku jiro, laakiin subaxkasta weriyayaashu isaga caydiisa mooyee aanay wax kale hayn, aabihii fasax buu siiyay muddo ayaamo ah, maalintii danbe ayuu u yeedhay oo wuxuu tusay qol ay ka buuxaan jaraa’idkii intay kala maqnaayeen inankiisa caayayay oo uu sida barkimooyinka isugu xidh xidhay, dabadeedna wuxuu yidhi ‘aabo ku dul istaag joornaalada, markuu ka degay wuxuu weydiiyey goormaad dheertahay markaad Joornaalkaa ku dul-joogto iyo markaad dhulka joogto?, wuxu yidhi Aabbo markaan Joornaallada ku dul-joogo ayaan dheerahay, hadaba ogoow buu yidhi, intan aad u haysato inay ku caayayaan waa kuwa ku dhisaysa ee xumaatadaada kuu sheegaya ee iska hagaaji, saaxiibadaa iyo kuwa danta kula leh ee agtaada ku dhashay waxay ku odhayaan ‘dadka adigaa ugu sita, waxba ma xumma; dadkuna way dhergeen oo waxba inagama xuma’ way ku lug-goynayaan, , laakiin kuwaa maalin kasta wax kuu sheegayaa ee ku toosinayaa waa Weriyayaashaa maalin walba wax kaa qoraya. Waxa ay kaa qorayaan macneheedu maaha in ay kula col yihiin.” Markaa ha dhibsan kuwa wax kuu sheegaya qaladaadka waa kuwa ku toosinayee.

Qofka bini’aadamka haddii aad siin weydo waxa uu ku wanaagsanyahay macnaheedu waxa weeye adigaan jirin, fekerku meeshu doono ha ka yimaado wuxuu hirgeliyay oo saxeexay [Madaxweynuhu] in dhallinyaradu ka qaybgeli karaan oo ku tartami karaan dhammaan saaxadda siyaasadda.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka cusub ee UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

 

Maxamed Xarrago

Berberanews, Hargeysa

Email, info@Berberanews.com