Dr. Gabboose oo ku dhawaaqay Urur-siyaasadeed la magac-baxay UMADDA

Hargeysa,12,Dec,2011-(Berberanews)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa maanta ku dhawaaqay urur-siyaasadeed cusub oo la magacbaxay UMMADDA, kana mid noqon doona tobanneeye urur-siyaasadeed oo hore u shaaciyay inay u tartamayaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka Somaliland ee la filayo horaanta sanadka 2012.

Munaasibadda loogu wanqalay furitaanka urur-siyaasadeedka la magacbaxay UMADDA oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee Hargeysa waxaa ka soo qaybalay siyaasiyiin, madaxdhaqammeeed, aqoonyahan iyo dadweyne tiro badan.

Dr. Gabboose

Guddoomiyaha Ururka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gabboose), ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada uu mudada dheer ula aamusnaa urur-siyaasadeedka laga dhursugayay ee uu uga tegay shaqadii wasiirnimmo ee xukuumadda Silaanyo, waxaannu faahfaahin ka bixiyay masuulliyiinta kale ee ururka ku weheliya, waxaannu Dr. Gabboose ku ammaanay go’aankii Madaxweyne Silaanyo ku ogolaaday furitaanka ururada siyaasadda, isaggoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaan marka hore salaam qalbiga ka soo go’day ugu mahadcelinayaa Faysal Cali Waraabe oo aannu malmahanba arrimaha jira ka sheekaysaynay, Faysal waad hubtaan in qaddiyadda qarankani meel; adag ka taagan tahay. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo talooyinka shacabka iyo ballan-qaadkii ololaha sameeyey is waafajiyey oo u badheedhay inuu Xisbigiisu tartanka galo hadduu doono ha dhacee. Laakiin haddana taasi maaha macneheedu in dhalliili ka madhan tahay maamulkiisa.? Waxa la lahaaa Gabboose hadduu Wasiirkii arrimaha gudaha ka tagay muxuu ugu dhawaaqi waayey Ururka, Ururku waa wax culus oo Qarannimada in la waafajiyo u baahan, waxa iigu weyn ee wakhtigaa iga qaaday waxay ahayd inaan helo Dad aqoon leh oo masuuliyadda Qarankan qaadi kara. Urur qof leeyahay oo cid la lihi jirin waxaannu ka door-bidnay urur sida magiciisa ka muuqda ummaddu wada leedahay. Guddoomiye ku-xigeenka Ururku wuxu ka soo jeedaa gobolka Awdal, Siyaasi weyn oo aad wada garanaysaan ee reer Sool ahna toddobaad gudihii ayaan ku shaacin doonaa magiciisa. Waxa ka mid ah Dr. Xuseen Ismaaciil Cabdi (Dhiqle), waxay Haweenku dhawaan soo bandhigi doonaan Haweenay ragga bara dheeraysay, waxaanay noqonaysaa markii ugu horreysay ee Haweenay Madaxweyne ku-xigeen isu soo diyaariso.”ayuu yidhi Dr Gabboose.

Dr. Gabboose waxa uu ka hadlay magacyada iyo xilalka masuulliyiinta la wadaaga Ururka, waxaannu yidhi, “Maxamed Nuur Hufane oo Ururka u matali doona Xoghayaha arrimaha gudaha oo ka soo jeeda Saylac, Jabuuti illaa Diri-dhaba, xubinta ugu culus ururkayaga ee aannu ballan-qaadnay waxa weeye dhalinyarada Iid Muuse Maxamed waa Xoghayaha horumarinta arrimaha dhalinyarada. Waa markii ugu horreysay ee dhalinyarada doorkaa la siiyo, waxaanu ka soo jeedaa Gobolka Maroodi-jeex..nasiib-darrada haysata dhalinyarada jaamacadaha dhammeeyey waxa weeye boqolkiiba lix ma dhamma inta ka shaqo-tagta.

Madaxweyne Siilaanyo waxaan mar labaad ugu mahad-celinayaa oo uu dhiirrigeliyey, dhaqangeliyey oo ansixiyey in dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dalku ku tartami karaan doorashooyinka golayaasha dalka (deegaanka). Xoghayaha dareenka bulshada tabaalaysan.

Waxa horyimi tobannaan carruur ah oo Madaxtooyadu toban tallaabo u jirta Xabagta ku cabbaya, waxa uu u adkaysan waayey tobannaan waalan oo aan maryaha sidan iyo kuwo maryaha ay xidhan yihiin wax uga hooseeyaa jirin.”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo madasha lagu casuumay, ayaa hadalladiisa waxa ka mid ahaa, “Maadaama aan ahay urur-kii labaad ee ugu horreeyay Somaliland, markaa maadaama aan waalidkii ururada ahay waan soo dhawaynayaa mid kasta.

Guddoomiyaha ururka WADANi si gaar abaanu saaxiib u nahay, anigoo toban billood ku xidhan xaruntii Hanti-wadaaga kacaanta, ayaa lay geeyay dhakhtarkii madaxtooyadda Dr. Gabboose oo ahaa dhakhtarkii madaxtooyadda Somalia,waxaan u sheegay inaanan cadceed arag,  wuxuu ii soo qoray in maalin kasta cadceeda lay geeyo saacad, anigoo leh ninkan reer koonfureedka ah ee nacariista leh, ayaan dib ka ogaaday inuu Gabboose Somalialnd ka soo jeedo. Isagoo adwladda ku jira ayaan anigu arrimaha SNM uga warami jiray, qurbahaanu ku kulanay wuxuu ka mid ahaa raggii nagu taageeray demintii beelaha colaadaha Somaliland ee sagaashamaadkii, markaa halganka iyo taariikhda meel weyn buu kaga jiraa halgankii.”

Gabboose waxaannu ku kala duwayanayn harag sakaaro iga kac mooyee iga durug ma leh, laakiin waxaannu isku waafaqsanahay gooni isu taaga Somaliland, markaa hadduu maanta harag sakaaro soo qaatay waannu soo dhawaynaynaa, anaguna harag sakaare waanu haysanaa.Mucaarid haddaanu jirin wadanku socon maayo, markaa si loo hubiyo himiladii umadda inaynu isu soo ururinno ayaan rajaynayaa.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe.

Suldaan Maxamed Xuseen Carraale (Barre) oo ka mid ah sallaadiinta Somaliland“Waa urur muddo laga fiirsaday magaciisa, rag abwaanno ah baa soo saaray, ummaduu waxay ka koobantahay inta halkan isugu timi, Gabboose duco iyo ammaan buu naga mudanyahay kii ummadda haga ee lagu guulaysto inuu noqdaan ugu ducaynayaa.”ayuu yudhi

Suldaan Rashiid Suldaan Cali “Horta ururo in la furo yaa u halgamay, ninkii u horreeyay waa Gabboose oo xabsi u galay oo u orday. Waa kuma Gabboose, urukani waxay soo bandhigeen nin aqoon diktooreed leh, nin waayao aragnimmo sodon sanno ah leh, Dawladdii Maxamed Siyaad Barre wasiir buu ka noqday, dawladdii Cigaal Wasiir buu ka noqday, Golihii dhexe ee SNM buu ka mid ahaa, Himiladiisii buu ka dhabbeeyay inuu m,aanta halkan kaga dhawaaqo urur, shuruudii ummadu kaa raabtay waad buuxisay rag wanaagsan iyo xubno wanaagsana waad dooratay”

Badhasaabkii hore ee gobolka Awdal oo wakiil ka ah Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Umadda, Maxamed Xuseen Cawaale, “Aniga oo ka wakiil ah Qaasim Ibraahin Tubeec oo nin mutacallin ah, horena uga shaqeeyey dalka, Agaasime jaamacadihii dalka Soomaaliya. Illaa 82-kii ayaa isugu kayo horreysay oo si fiican baan u aqaannaa. Soomaalidu qofka run-sheegga ah ama wakhtiga ilaaliya muraad badan uma yeeshaan. Maamul-wanaajintana dadku maba rabaan ee maamul isku dhex daadsan oo la isdhex yaaco ayey jecel yihiin.”

Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa isaguna Xafladdaa ka hadlay, isla markaana sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay furitaanka Ururka uu Dr. Gabboose hoggaamimayo. “Ururrada la furay waxay ka mid yihiin wax-qabadka Madaxweynaha maanta talada haya. Dr. Gabboose oo Ururka UMADDA waxa uu wadaa Madaxweynihii mustaqbalka oo halka ka hadda joogaa meesha uu marinayo meel ka fiican gaadhsiin kara. Aqoon uu ku shaqaysto Dr. Gabboose wuu soo bartay, laakiin inuu noloshiisa inta ka hadhay dalkiisa iyo dadkiisa hago oo uu taariikh uga tago ayuu go’aansaday.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Dr. Gabboose halgan dheer u soo maray sidii loo furi lahaa Ururrada Siyaasadda Somaliland oo uu illaa Xabsi ku mutaystay wakhtigii ay dalka ka talinaysay Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin. “Ma wadno anna waykan ee Madaxweynihii Mustaqbalka ee dalka horumarin lahaa baannu wadnaa naga aqbala oo Bismilla dhaha.”

Xildhibaan Baar Siciid Faarax, oo ka tirsan Golaha Wakiillada, “Ururka UMADDA hambalyo ayaannu leenahay, anigu UMAD kama tirsani ee UDUB baan ka tirsanahay waanan idin soo dhawaynaynaa.”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ururka UMADDA Maxamuud Cabdi Xaamud (Nayn) “Waxa la igu yidhi Naynoow ha iswareerin dalkan aqoon loogama baahnee, anoo maalin dhawayd doonayey inaan iska dhoofo oo Maraykan ku noqdo ayuu Dr. Gabboose ii yeedhay oo I yidhi Urur aqoonta ku shaqeeya ayaannu furaynaa ee nagala qaybgal, waxaan idhi waar mastaafur baan ahaye maad iga dayside shirkii aasaaska ayuu I sharraxay oo la igu doortay. Ururkanna waxa uu Ururrada kale kaga duwan yahay Aqoon iyo isku duubni aan lagu keenin saaxiibtinnimo iyo qabiil ee lagu soo xulay aqoon dadka hoggaaminaya Ururka UMADDA.

Gudoomiye-kuxigeenka 4aad ee ururka UMADDA Dr. xuseen Ismaaciil cabdi “Waa markii iigu horraysay ee aan fagaare siyaasadeed soo istaago waxaanan ku dedaalayaa inaanay bulshadayda dhinaca siyaasadda uga faa’iideeyo.urukani wuxuu ka madaxbannaanyahay qabyaalad, eex iyo keli-talisnimmo, wuxuu dawayn doonaa cadaallad-rada, walaalaynta beelaha, aqoonsi la’aanta oo aanu dariiqeedii hayno, maantana waxa la taaganyahay wakhtigii aqoontu ina hagi lahayd, dadkana waxannu ka rajaynayayna inay nagu taageeri doonaan.”

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ah siyaasi magac ku leh Somaliland, islamarkaana ku takhasusay dawaynta neerfaha waxa uu noqday siyaasigii ugu horreeyay ee Somaliland kaga dhawaaqay damaca urur-siyaasadeedkii Qaran ee ay fikirkiisa la qabeen Wasiirka Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid, ka hor intii aan golaha Wakiillada Somaliland ansixin furitaanka ururada siyaasadda, iyadoo xukuumadii Madaxweyne Rayaale xabdiga u taxaabtay.

Haseyeeshee heshiis hoggaamiyayaashii Qaran la galleen xisbiga KULMIYE xilligii ololaha doorashada Madaxtooyadda waxay isku afgarteen heshiis dhawr qodob ka kooban oo ay ugu muhiimsanayd in xisbiga KULMIYE marka uu tallada dalka ku guulaysto uu ogolaado furitaanka ururadda siyaasadeed, taasoo xisbiga KULMIYE-na suurtageliyay ka dib afti iyo wada-tashi lalal yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.

Dr. Gabboose isagoo fulinaya damaciisii mudada dheer uu ku hamiyay inuu mar uun furo urur-siyaasadeed maanta kaga dhabbeeyay, hadana waxa garbihiisa ka madhan saaxiibadisii ay isku fikirka ahaayeen ee xabsiga ay ku wada jireen, waa Maxamed Xaashi Cilmi oo haatan haya xilka wasiirka maaliyadda iyo Jamaal Caydiid Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul-ka-saarka Qaranka.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com