Madaxweyne Siilaanyo oo si Kedisa Xilalkii uga Qaaday Taliyihii Guud iyo Hoggaankii Hawlgelinta ee Ciidanka Qaranka Somaliland

Hargeysa-11,Dec,2011- (Berberanews)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si kedis ah gelinkii hore ee maanta xilalkii uga qaaday taliyihii guud iyo hoggaankii hawlgelinta ciidanka qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani iyo Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan-keysa), isagoo xilalkaasna u magacaabay masuuliyiin cusub.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka u magacaabay Mr. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) oo ka mid ah saraakiishii millateri ee ururkii SNM, halka uu Hoggaanka cusub ee Hawlgelinta u dhiibay Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Haseyeeshee, laguma sheegin warsaxaafadeedka asbaabaha rasmiga ah ee xilalka looga qaaday taliyeyaasha sare ee ciidanka qaranka Somaliland xilligan.

 “Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta digreeto Madaxweyne xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hogaanka Hawlgelinta Ciidanka Qaranka, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilalkaas u magacaabay taliye iyo hoggaan cusub.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa uu digreetadiisa ku yidhi;

‘Madaxweynuhu:

Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu arkay: In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu tixgeliyey: La tashiga madaxda arrintani khusayso;

Markuu arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday;  inuu xilalkii ka qaado Taliyihii hore ee Ciidammada Nuux Ismaaciil Taani iyo Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Qaranka JSL, Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Keyse), waxaannu uga mahadnaqay muddadii ay xilalkan u soo hayeen hawshii ay qaranka u soo qabteen.

Sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo sunaha dawladnimo fulinaya waxa uu magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Qaranka JSL oo laga bilaabo maanta noqonaaya Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif).

Sidaa si la mid ah waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Hoggaankii Hawlgelinta ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Kayse), waxaannu hoggaanka cusub ee Hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).’

Madaxweynuhu waxa uu digreetadan ku amray Wasiirka Gaashaandhigga iyo La-taliyaha Arrimaha Gaashaandhigga ee Madaxweynaha in ay saraakiishaas xilalka ugu kala wareejiyaan sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com