Ururka KULAN UK : Baaq Ku Wajahan Dhacdada lagu dilay muwaadiniin reer Somaliland ah.

Ku: Ku Xukuumadda Somaliland
Og:Goleyaasha kale Dowladda
Og: Xisbiyada Qaranka JSL
Og: Salaadiinta, Cuqaasha, wax-garadka iyo shicibka JSL.
Ururka KULAN UK ayaa ugu horreyn waxa uu muujinayaa dareenka naxdinta leh ee ka dhashay dilka loo gesytay saddex muwaadin oo reer Somaliland ah, kuwaasoo shalay lagu diley deegaanka Seemaal ee agagaarka Ceel-berdaale . Ugu horreyn waxa annu Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisa janno marxuumiintaas ka waraabiyo. Waxa aannu tacsi u direynaa dhammaan qaraabadii, eheladii iyo dadka reer Somaliland ee ay ka baxeen saddexdan muwaadin ee lagu laayay falkan naxdinta iyo argagaxa leh, taasoo aannu xasuusinayno dhammaan dadka reer Somaliland ee nabadda iyo xasilloonida jecel inay dhinac uga soo wada jeestaan.
Ururka Kulan UK wuxuu si cad u cambaaraynayaa falkaa arxan darrada ah ee lagu laayay saddexda muwaadin, waa fal ka baxsan banii’aadnimada isla markaana ka dhan ah dhaqanka hufan ee diinteenna Islaamka.
Waa wax laga naxo, lagana xumaado in muwaadiniin reer Somaliland ah dhiiggooda la bannaysto iyadoo aan ognahay halka ay diinteenna suubani ka taagan tahay. Dhagarqabayaasha arrinkan fuliyay waxa ay denbi ka galeen dhammaan dadka reer Somaliland, waana qaar cadow u ah nabadda iyo xasilloonida ka jirta Somaliland. Ururka Kulan UK wuxuu xukuumadda ka rajaynayaa in aanay ka nasannin tan iyo inta gacanta lagu dhigayo dhamman shakhsiyaadkii ka dambeeyay falkan foosha xun, si loo soo hor keeno caddaaladda, laguna fuliyo waxay muteysteen.
Ururka Kulan UK wuu soo dhoweynayaa tallaabooyinka degdega ah ee ay xukuumadu ku baadi goobeyso dhagar qabayaasha. Sidoo kale waxa aanu Golayaasha kale ee xukuumadda ka codsanayaa inay xukuumadda ku garab galaan sidii dhagar qabayaasha loo soo qaban lahaa. Sidoo kale dhammaan walaalaha arrinkani sida tooska ah u khuseeyo waa muhiim in aanay marnaba hilmaamin muhimadda ay nabaddu leedahay iyo weliba sida ay diinteenna muqaddiska ahi ay meel adag uga taagan tahay in dhiig la daadiyo ama colaad la huriyo. Walaalaha deegaanka falkani ka dhacay waxa aannu xasuusinaynaa inaynu nahay ummad leh dhaqan Islaam oo aan marnaba oggoleyn in dhiig la daadiyo.
Waa muhiim in aan marnaba laga tegin qiimaha ay nabaddu u leedahay nolosheenna. Nolol aan nabadi la jirin nolol maaha. Nabaddu waa aasaaska jiritaankeenna. Sidaa daraadeed, waxa aannu si xushamadi ku jirto uga codsanaynaa walaalaha arrinkani sida gaarka ah u khuseeyo in aanay hilmaamin in lagu dhaco godka ama dabinka ay dhigeen kuwa dhagar qabayaasha ah ee fidnida u fuliyey in nabadda Somaliland la hantaaqo.
Ururka Kulan UK wakhtigan adag wuu idin garab taagan yahay, waxaannaanu idinla qaybsanaynaynaa naxdinta iyo tiiraanyada ka dhashay falkan dhaqankeenna ka baxsan. Waa wakhti loo baahan yahay in la is-garabsado si aynu caddaaladda ugu hiilinno isla markaana gacanta lagu soo dhigo dhaqar qabayaasha.
Ugu dambeyn waxa aannu Ilaahay ka baryaynaa inuu xaqa iyo wanaagga ina garansiiyo isla markaana inaga ilaaliyo dariiqa khaldan iyo ka ay mareen inta dulmiga waddaa. Waxa aannu idinku garab taaganahay NABAD. Waxa aannu ka soo horjeednaa COLAAD. Waxa aannu idiinku baaqaynaa in la is-garabsado si dhagar qabayaasha gacanta loogu soo dhigo, caddaaladdana loo horkeeno.
Ilaahay xaqa ha ina wada garansiiyo; Amiin -Amiin
Gidida fulinta
Kulan UK