Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururada Somaliland oo digniin culus u diray ururada aan isdiwaangelin ee ololaha sharci darada ah ka wada gobollada dalka

 
 
Hargaysa-08,Dec,2011- (Berberanews):-Guddoomiyaha Guddida diiwaan gelinta ururada Siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka Md C/rasaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), ayaa digniin culus u diray ururada aan weli is diiwaan gelinin in ay joojiyaan ololaha sharci dara ah ee ay ka wadaan gobolada dalka.
 
Gudoomiyuhu wuxuu u soo jeediyay Hay’adaha amaanka, wasaarada Arrimaha guddaha iyo badhasaabyada gobolada in ay talaabo ka qaadaan ururadaasi ku jira ololaha ee aan weli is diiwaan gelin
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ilLaa hada ay is diiwaan geliyeen laba urur oo keliya, kuwaasi oo bixiyay lacagtii cashuurta ahayd ee boqol iyo kontonka milyan ahayd, isaga oo xusay in labada urur ee ay diiiwaan geliyeen laftooda loo ogolayahay in aanay samaynin wax ka badan furashada xafiisyada.
 
“Sidii aanu hore warbaahinta uga sii daynay ee aanu ku waadixinay jadwalka diwaangelinta iyo wakhtiga abaabulku uu furmayo iyo shuruudaha looga baahan yahay iyo cida xaq u yeelanaysa, ayaa waxa muuqanaysa in aan dheg jalaq loo siin, ilaa hadda waxa buuxiyay oo qudha foomkii diwaangelinta iyo oo bixiyay cashuurtii ku waajibtay ee ahayd 150,000,000 (boqol iyo kontanka milyan) waa ururada Wadani iyo Dalsan, Ma jiro urur kale oo shuruudahaasi buuxiyay oo noo diwaan gashan, labadaa ururna waxay xaq u leeyihiin in ay gobollada ka soo furtaan xafiisyadoodii, abaabul kale looma ogala oo aan wakhtigiisii la gaadhin, Waxaa se xaaraan ah oo sharci darro ah cid la baxday urur oo aan diiwaangashanayn oo ilaa la diiwaangeliyo oo cashuurtii ay bixiyaan, foomkiina ay buuxiyaan aan magaca ay sheeganayaan loo aqoonsanyn.” Ayuu yidhi Md Ciyaale, oo waramayay wargeyska DAWAN.
 
Md. C/Risaaq Ciyaalle oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “waxaanu ku wargelinaynaa hay’adaha amniga iyo badhasaabyada gobolada in aanay jirin labadaa urur iyo saddexda xisbi qaran ma ahee jirin wax diiwaan gashani, wixii nabad geliyo daro abuuraya iyo wixii fawdo ah in ay masuul ka yihiin wasaarada arrimaha guddaha iyo badhasaabyada gobolada iyo taliyeyaasha booliska in ay arrintaa ka joojiyaan cid kasta oo aan xaq u lahay, liisana u haysan, oo aan diiwaan gashanaynba in ay ku talaabsadaan arrimahaasi, Labadaa urur ee diiwaan gashana waxaa loo ogol yahay in ay xafiisyadooda gobolada ka furtaan oo ay magacooda iyo boodhka iyo wixii kale ee ay qaadanayaan ay qaataan maadaama oo ay diiwaan gashan yihiin, iyada oo aan la gaadhin marxaladii lixda bilood ahayd in aanay iyaguna dhaafin xafiisyo furasho.”
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com