Qarammada Midoobay oo 13 Milyan oo dollar gaadhsiisay dhaqaalaha ku baxa mashruuca maalgelinta JPLG ee dawladaha Hoose dalka

Hargeysa,26,Nov,2011-(Berberanews)- Shir muddo shan maalmood ah uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda qaar ka mid ah maayaradda magaallooyinka waaweyn  ee Somaliland, Somalia iyo maamul-goblleedka Puntland mashruuc ay maalgeliso qarammada midoobay oo ay iska kaashadaan dawladaha hoose, ayaa sannadkan loogu ogolaaday dawlada hoose ee Somaliland lacag dhan 13 milyan iyo sadex Boqol iyo sideed iyo sideetan kun oo dollar, oo markii hore ahaa lix milyan.

Mashruuca JPLG oo sanadihii hore qaab tijaabo ah uga fulay qaar ka mid ah magaaloyinka waaweyn ee Somaliland oo ay iska kaashadeen Hay’adaha qarammada midoobey iyo dawladaha hoose, kaasoo wax lagaga qabanayo addeegyada arrimaha bulshada ee deegannadaas oo midkasta lagu sallaynayo baahidooda, ayaa waxa ka qaybgalay todoba maayar oo Somaliland ka socda iyo masuulliyiin ka socda wasaaradha arrimaha gudaha iyo qorshaynta.

Weftiga uga qaybgalay Somaliland oo ay ka mid yihiin maayaradda magaallooyinka Hargeysa, Boorame, Berbera, Burco, Gabilay, Sheekh Oodweyne, Wasiir-ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta qaranka, ayaa maanta ka soo degay gegida Cigaal ee Hargeisa.

Maayarka caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay socdaalkoodii ayaa ka war bixiyay shirkii ay ka qeyb galeen waxaanu yidhi “Shirkan aanu Uganda u tagnay wuxuu ahaa mashruucii Joint Program ee dawladaha Hoose lagu horumarinayo oo sanadkiiba hal mar la qabto laguna go’aamiyo dhaqaalaha loogu tallo galay in lagu fuliyo mashaariicdaasi, waxaanu u tagnay inaanu soo ogolaano oo soo saxeexno mashaariicda loogu tallo galay sanadka 2012-ka ee fooda inagu soo haya ee ay wada wadaan dawladaha Hoose, Wasaarada Daakhiliga iyo sadex Haa’yadood oo kuwa qaramada midoobay ah.

Waxaanay dhammaan dhinacyadaasi la kulamayeen qaadhaan bixiyeyaashii kaasi oo aanu isla garanay in mashaariicda sanadka 2012-ka la balaadhiyo waxaana laga dhigay 13 Milyan iyo sadex Boqol iyo sideed iyo sideetan kun oo Dollar. Waana guul weyn oo u soo hoyatay dawladaha Hoose ee dalka gaar ahaan magaalooyinka ku jira mashruucan,”ayuu yidhi Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.

Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2013 shirka JPLG lagu qaban doono Somaliland.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com