Shirkadda Maamusha Maxjarka Al-jaabiri oo Laba Ceel-biyood oo cusub ka hirgelisay Dooxa Faradeero ee Berbera

Berbera,21, November,2011-(Berberanews)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo uu weheliyaan  Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Berbera iyo Maamulaha Maxjarada uu maalgashaday  Aljaabiri Dr Sacad  ayaa maanta kormeer ku tegaya Dooxa Faradeero ee ay Magaalada  Berbera biyahu uga yimaadaan, halkaas oo laga qodaya laba ceel biyood oo lagu soo kordhiyey ceelahashii hore, isla markaana uu hirgaliyey Maamulka Maxjarada Sucuudi Imaraat ee ku yaala Magaalada Berbera.

Labadan Ceel oo loogu talo galay in ay kaabaan Ceelashii hore ooo ay Wakaalada Biyuhu Biyo toosa u siiso Maxjarka cusub ee Shirkada Sucuudi Imaarat ka wado duleedka magaalada Berbera oo hawsha biyo-saarkoodu bilaabantahay, islamarkaana waraabin doona maxjarka cusub iyo qaybo ka mid ah magaalada.

Waxaana ugu horayn halkaa ka  Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera, ka waray xaalada qodista Ceelashan cusub waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “Halkan aynu Maanta joogno ee Faradeero,Biyahu waxay kaga soo baxaan Mashiino, waad aragtaan in iminka laba Riig ka taagan yihiin , Ceel horana waa kuwa halkaa ka muuqda, Labadan Ceel waxaa ku deeqay,  Shirkada maamusha Maxjarada Xoolaha ee uu mulkiilaha ka yahay Saleebaan Aljaabiri, qiimaha ku baxayaana waa $46000,waxaana heshiis ku wada galay Shirkada iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, labadii Ceelna wax yarbaa u dhimin dhamaadkoodii , kani waxuu marayaa dhawr iyo afartan ilaa lixdana uu qodmayaa,waxaanay ahayd inuu Wasiirku soo kormeero, laakin waxaa maraya Badhasaabkii iyo Maamulahii Maxjarada, markaa waa caadi, labadan ceel waxay wax wayn ka tarayaan oo ay ku soo kordhinayaan Magaalada hadii cidhidhi Biyood jireen, waxaan filayaa sida ugu dhakhsaha badan marka ay labadaa Ceel dhamaadaan, in aanayn jiri dooniin baahi biyood iyadaa rajooyin kale oo ceelal ahna aanu qabno,Waxaan halkan idin keenay in aan idin tuso halka ay Berbera Biyahu uga yimaadaan, halkana waa meesha ugu fog ee ay Berbera Biyahu uga yimaadaan, waxaan u mahad naqayaa Shirkada Sucuudi Imaarat, hadii aanu nahay Wakaalada biyaha ama Wasaarada Macdanta iyo Biyaha, waana waajib in aanu u mahad naqno cida deeqdan bixisay iyo cid walba oo gacan ka gaysatay, ayuu yidhi Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Cabdi Cartan.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxaana hadaladiisii ka mid ahaa,  “Runtii anigu intiina halkan joogto dareen aanay kolay saaka dareemayn, ayaan aad u dareemayaa, run ahaantii geedka aad beertay oo midho bixiya markaad aragto waad ku farxaysaa, markaa anigu  Biyahan rubtii si aydaan u dareemay ayaan u dareemayaa, waxaa weeye Gobolkan markii laysoo magacaabay, waxaanu u qornay labada Maxjar qoraal in ay Magaalada Ceelal u qodaan, oo anagu waxaanu wax u waydiinaynay Maamuladaa Maxjarada,wax wax tar u ah Magaalada ee hadhaaya, waa waxaa  loo qabto Magaalada, waayo Masuulka waa la badeli karaa, shilimaad yar oo la qaataana waxba ma taraan, waxaa aad qabato ee aad meesha aad masuulka ka tahay u qabato ayaa taariikhdaada raaca, waanu ka wada  tashanay Maareeyaha Biyaha, Maayarka Magaalada iyo aniga oo ah Gudoomiyahii, markaa qoraal ayaanu samaynay oo aanu labada Maxjar kaga Dalbayanayo in ay Magaalada Ceelal u qodaan, maadaama xoolo aad u tiro badani ka dhoofan magaaladiina ay korayso, in biyaheedana aanu ki sii talo galno, qoraalkii aanu qornay waxaa naga aqbalay Maamulada Labada Maxjarba, ( waa maxjarka Dawliga ah ee uu maalgashay Ganacsadaha Carbeeb ee  Aljaabiri, iyo Maxjarka Shirkada Ganacsiga ee Indhadeero Group), Maxjarkan la yidhaahdo Sucuudi Imaarat ama Jaabiri loo yaqaano, wuu dhamaystiray hawshii Ceelal Qodista ee aanu ka  dalbanay, Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ayaa dabadeed heshiis la gashay Shirkada, inkasta oo aanu jeclayn in Bidhka Berbera lagu qabto, oo dadka reer Saaxil had iyo jeer aanay Nolashooda iyo waxtarkoodu dee inuu Hargaysa ku xidhnaado maaha, waxaa weeye meelkasta Dadba Jooga, Gaadiid wax qoda waa laga helayaa  oo awooda way joogaan halkan , waxaanay ahayd in halkan lagu qabto tartanka, inkastoo intii aan Xajka ku maqnaa la bixiyey, waxaan idin sheegayaa tartamada kale oo noocan ah in lagu qaban doono Gobolka, waxaan aad ugu mahad naqayaa Shirkada Sucuudi Imaat ee Ceelasha noo qoday oo Maareeyaheedi halkan nala joogo Dr Sacad, runtii waxaan iyaga fariin halkan uga dirayaa Maxjarka Shirkada Indha Deero inay iyaguna balankii ay qaaday in ay si deg deg ah u fuliyaan, waxaanaan jecelahay in ay wax qabadkii sanadka noo gasho, waxaan ugu danbayn aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera ooculuys badan iska saara sidii uu Magaalada Biyaha uga haqab tiri lahaa, iyo dhamaanba Madaxda Gobolka Saaxil oo waxqabadkoodu wada Socdo aad ayaan u hanbalyeynayaa.

Maamulaha Maxjarada Aljaabiri Dr, Sacad  oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi “aad aayan ugu faraxsanahay biyahan u soo kordhay Bulshada reer Berbera, anakuna waxaanu ugu talo galnay in aanu Biyaha la wadaagno Bulshada, oo aanu Maxjarka cusub Xoolaha biyo uga helno, waxqabadkayagu intan kuma eeka ee waxyaabo hore ayaanu qabanay, kii ugu danbeeyeyna noqon maayo Ceelashani.

Gabagabdii waxay ay Masuuliyiintani soo kormeereen Maxjarka cusub iyo sida Biyaha loo geeyay ee ay u soconayaan, waxaanu kormeerkaasi ku soo dhamaaday jawi wanaadsan.