Muuse Biixi oo markii u horraysay ka dalbaday dadweynaha reer Saaxil inay codlkooda KULMIYE siiyaan doorashada deegaanka ee April 2012


Berbera-21, Nov, 2011-(Berberannews)- Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horraysay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Saaxil ka dalbaday inay codkooda siiyaan xisbigiisa marka la gaadho doorashadda golaayasha deegaanka oo la filayo inay bisha April ee sannadka 2012 dalka ka qabsoonto.

Md. Muuse Biixi Cabdi oo fagaaraha khayriyada caawa kala hadlay dadweynaha reer Berbera, waxa uu sheegay inuu bulshadda Berbera ka rajaynayo inay codka ugu badan siin doonaan KULMIYE marka doorashada la gaadho.

 

“Qolada Xisbiyada iyo dadka danyarta ah labaduba way codsi badan yihiin, shantii sannaba mar baannu idinku soo noqonaynaa idinkoo tii hore xanafteedii qaba oo dhammaantiin I odhan doontaan waar Muusoow tii horeba rafaadkeedii kamaannaan bixin oo waydinkii iska-tagaye, ma maantaad haddana cod naga doonaysaa, KULMIYE iyo Xisbi kastoo waliba wuu idinku soo noqonayaa ee reer Berberaw Moqorafaddii iigu rida codkii baannu haddana idinka doonaynaaye, waxa nasiib-wanaag ah inaannu ugu soo horreynay Berbera, oo ah waa ku liibaana oo aannu codkii ugu soo horreynay Berbera, sidaa darteed waxaan filayaa in inta ugu badan aad noogu ridi doontaan sannadkan haddii Illaahay yidhaahdo. Xisbiyada walaalahayo ee aannu isku midka nahay ee soo socda ee qofku is odhan doono markay soo hor-istaagaan kumaan raacaa ma hebel ma hebel, waxaannu dheernahay haddaannu KULMIYE nahay waannu idiinka soo horreynay oo gacantaannu soo fidinnay markii ugu horreysay, markaa sannadkan codka annaga ayaa leh,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

Waxa kale oo Guddoomiyaha KULMIYE   sheegay in su’aasha ugu adag ee dadweynuhu waydiiyaan tahay shaqo abuurkii ay dadka u ballanqaadeen xilligii lagu jiray ololihii doorashadda madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 26 June 2010, isaga oo dadka ku qanciyey in aanu isaguba welin shaqo helin.

Md.Muuse Biixi oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Maanta dadkii soo coddeeyey ee KULMIYE su’aasha ugu adag ee ay na waydiiyaan waxa weeye shaqadii aad noo ballan-qaaddeen qoladayadii KULMIYE ayaa dibadda joogtee shaqo noo doona. Jawaabta aan reer KULMYE u hayaa waxa weeye, waxaynu doonaynay inaynu talada saxno, waxaynu doonaynay kuwa shaqeeya inaynu wax u kordhinno kuwa kalena shaqo u abuurno, tiibaynu waddadeedii haynaa ee haka niyad-jabin Aniguba shaqo maan helin. Maanta waxaannu u soconnaa sannad iyo badh ka bacdi markii aad xilka noo dhiibteen, inaannu ku soo noqonno dadkii noo coddeeyey oo aannu muraayadda iska eegno oo aad noo sheegtaan oo aannu idinka dhagaysanno waar waddadii aannu idiin ballan-qaadnay lama dhammayn karo oo way dheertay ee waddadii ma haynaa oo ma bilawnay, halkeennu wax ka toosinnaa oo halkay wax u dhiman yihiin.”

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo ka hadlay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee soo socda waxa uu yidhi; “Qodobka labaad ee ujeeddada socdaalkayagu waxa weeye waxa la go’aamiyey in doorashadii dawladaha hoose ay noqoto sannadka soo socda bilaha ugu horreeya, waxa la meel-mariyey sharci Golaha Wakiillada ka soo baxay oo Guurtida maraya oo lagu go’aamiyey in doorashada la galo oo laga hor-qaado xannibaadda ah in diiwaangelin aan lacagteedaba la hayn wakhtigeedana la ogeyni innaga ay doorashada innaga xannibto. Sidaa darteed waxa innagu soo dhaw doorashadii dawladaha hoose, u diyaar-garawgeeda iyo ka wada-tashigeeda ayey leedahay, dawladaha hoose waa qaybta ugu weyn ee ugu muhiimsan ee dalka maamulkiisa haya, iyaga oo ku mahadsan oo meel hoose ka soo bilaabay ragga dawladaha hoose joogaa oo dalkooda wax u soo qabtay, haddana waxay joogaan maanta toban sanno ku dhawaad. Dimuquraaddiyadda iyo is-aamminaaduna waxay tahay in gole walba lagu doorto xilligiisii. Markaa, waxa taagan immika xilligii la dooran lahaa dawladaha hoose, Xisbiga KULMIYE-na wuxuu ka mid yahay Axsaabta Qaranka iyo Ururrada-siyaasadeed ee cusub ee u tartami doona dawladaha hoose. Markaa, xisbigu wuxuu u soo noqday inuu isaga diyaariyo gobollada sidii uu doorashadaa dawladaha hoose qayb libaax uga qaadan lahaa.”

 

Md.Muuse Biixi Cabdi waxa uu daboolka ka qaaday in ujeedada kormeerkoodu la xidhiidho sidii uu dabagal ugu samayn lahaa in badhasaabada iyo masuuliyiinta gobolada dalku ku shaqaynayaan barnaamijkii lagu doortay xisbiga KULMIYE, isaga oo xusay in natiijada kormeerkiisa uga soo baxdana uu hor dhigi doono madaxweyne Siilaanyo.

“Ta saddexaad waa qodob aan hore Somaliland uga jirin, Somaliland intii aynu dimuquraaddiyadda ahayn iyo Soomaaliya dawladihii ka jirayba Xisbi iyo Xukuumad isku mid ah oo haddana Guddoomiyihii iyo Madaxweynihii laba kala yihiin. Waxaan u arkaa inay tahay tallaabo cusub oo marka hore waxtar ah, mar labaadka dimuquraaddiyad ah, mar saddexaadka talada in la wada hayo ah. Sidaa daraaddeed, haddaannu nahay KULMIYE ujeeddadayada waxa ka mid ah inaannu kaantaroolno dawladdayadii, shicibku wuxuu doortay KULMIYE, Xisbiyadii kalena KULMIYE waxay siiyeen codkoodii oo na hoggaami bay yidhaahdeen, KULMIYE-na wuxuu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen, Madaxweynihii iyo Ku-xigeenkiina waxay soo xuleen wasiirro, badhasaabbo, maareeyayaal, taliyayaal ciidan iyo safiirro, dabadeed waxaannu hubinaynaa Gobolada Badhasaabyadii la doortay iyo raggii madaxweynuhu hawsha u dhiibay siyaasaddii xisbiga iyo sidii la ballan-qaaday ma u socdaan, taasina hore umay jiri-jirin oo waa arrin dalka ku cusub.”

“Taas oo aan kula noqonayo Madaxweynihii anna aan sii wakiishay iyo Wasaaraddiisa, saddexdaa ujeeddo ayuu socdaalkayagu ahaa. Waxaannu kala kulannay halkan wax wanaagsan bay ahayd, dad wanaagsan oo na soo dhaweeyey iyo maamul isku duuban oo hawshoodii haya, wixii dhalliil aannu isku aragno waa wax aannu hoos isugu sheegi karno. Anigoon faaninahayn maamulka KULMIYE ee halkan joogaa oo haddii aan qaladaad ku arko halkan ka sheegi lahaa anoon lahayn wax walba way ku hagaagsan yihiin laba qodob ayaa marag maddoon ah, kow maamulka Berbera joogaa waa maamul isku duuban, dadkuna waxay wax qaban karaan markay midaysan yihiin, ka labaad haddaan la iskala masuugeynin iyaga oo barnaamijkii xisbiga ku dhaqmaya, iyaga oo dardaarankii Madaxweynaha fulinaaya sannadkaa iyo badhkaa waxaynu ka markhaati nahay inta ka hirgeshay Berbera inaanay sannado badan oo ka horreey ka hirgelin. Qodob reer Berbera ku dheeraadeen waa Aafada Xagaaga (Kulaylka) waynu ka wada hawlgalaynaa, sidii Laydh-tiriig qaboojiyayaasha loo isticmaalo loogu heli lahaa reer Berbera, waannu ka dagaal-galaynaa sidii loo heli lahayd waxna idinka hagran mayno.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan Yuusuf oo ka mid ah weftiga , ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE ahmiyad gaar ah siiyay gobolka Saaxil, islamarkaana buuggii qorshaha xisbiga uu qayb libaax leh kaga xardhanyahay horumarinta Gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka KULMIYE Canab Cumar Illeeye oo ka mid ahayd xubnaha weftiga ee madasha caawa ka hadlay, ayaa haweenka Gobolka Saaxil u soo jeedisay inay isu diyaariyaan ka qaybgalka tallada dalka, oo ay isu soo taagaan goleyaasha deegaanka iyo Baarlammaankaba.

Berberanews.com

Berbera, Somaliland

Email, info@berberanews.com