Mudanayaasha Guurtida oo duuduub ku ansixiyey Xeerka Lambar 20 oo dhalinyarada u oggolaanaya inay kaga qaygalaan doorashada deegaanka 25 jir

Hargeysa-(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland. ayaa maanta duuduub ku meel-mariyey Xeerka lambar 20, oo dhigaya inay dhalinyaradu 25 jir kaga qaybgalaan doorashooyinka golayaasha deegaanka, halka hore uu ka dhigayey inay kaga qaybgalaan 35 jir.

Xeerkan oo ay u soo ansixiyeen Mudanayaasha Golaha Wakiilladda, ayaa dhawaan loo soo gudbiyey Guurtida, kuwaasoo iyaguna maanta sidii loogu soo gudbiyey ku ansixiyey. Fadhigii maanta ee Guurtida oo uu guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Guurtida Md Siciid Jaamac Cilmi ahna ku-simaha golahaas, ayaa Xildhibaannada u soo jeediyey inay u codeeyaan ama dib u celiyaan Xeerkan horyaalla golaha ee Xeer Lambar 20.

Fadhigan golaha waxa soo xaadiray 45 mudane, waxaana Xeerkan lr 20 ogolaaday in la ansixiyo 36 mudane, halka 8 mudane ka diideen, guddoomiyuhuna aanu codayn sidaasna ku ansaxmay.

Guddoomiye ku xigeenka golaha Md: Siciid Jaamac ayaa sheegay in xeerkani sidaas ku dhaafay, isla markaana ay u gudbin doonaan madaxweynaha, kaas oo isna ogolaanaya ama dib usoo celin kara si wax looga bedelo.

Xeerkan Lr 20 ayaa dhowaan golaha Wakiiladdu wax ka bedel ku samayeen, iyagoo Da’da dhalinyaradu siyaasada ku soo geli karaan hoos u dhigay kana dhigeen 25 jir halka barigii hore ka ahayd 35 jir wixii ka weyn la dooran karo, kaas oo dhibaato weyn ku ahayd inay dhalinyaradu saaxada siyaasada ee taladda dalka laga jarayo ka maqnaadaan.

Xeerkan waxa kale oo iyana ku dhexjirta oo la ansixiyey in qofka la dooranayo si toos ah loo doorto hal cod hal qof (One Man, One Vote) , halka barigii hore ka ahayd in xisbi waliba liis magacyo ah soo dhigo isla markaana ay iyagu xushaan qofka golaha deegaanka ka mid noqonaya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.