Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo soo dhawayn ballaadhan kala kulmay Gobolka Togdheer iyo Reer Burco oo tunka ku qaatay Muuse Biixi

Burco-(Berberanews)- Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku gudo-jira xog-ogaal u noqoshada iyo isu diyaarinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka soo socda oo safar ku maraya qaar ka mid ah gobollada bariga Somaliland, ayaa maanta soo dhawayn layaab leh kala kulmay dadweynaha reer Burco oo tunka ku qaaday Guddoomiyaha Xisbiga, ka hor intii aanu gaadhin magaalada Burco oo ay Tuullada Galloolay ay kaga hor yimaadeen kumannaan gaadiid iyo dadweyne ah.

Muuse Biixi oo ay ka badbadatay farxadda muuqaaalada soo dhawaynta reer Burco oo kumanaan nac nac iyo ubax dusha kaga daadiyay, ayaa isagoo mar qudha aan dibnaha isa saarin farxad darteed sallaan gacanqaad ah ku dhammayn waayay kumannaanka dadweyne ee laamiga dhinacyadiisa tubnaa.islamarkaana waxa uu xadhiga ka jaray Xafiis Cusub oo xisbigu ku yeeshay Degmada Sheekh.

Weftiga uu hoggaaminayo Muuse Biixi oo ka soo kicitimay magaalada Berbera oo muddo laba maalmood ah ay ku sugnaayeen, ka hor intii aanu Burco gaadhin waxa uu ku haday Degmada Sheekh, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen boqollal arday iyo dadweyne calleemo-qoyan laamiga hareerihiisa la tubnaa.

Masuulliyiinta heer gobol iyo degmo ee Gobolka Togdheer, ayaa weftiga KULMIYE kaga hortegay dulleedka magaalada Burco, kuwaasoo u gelbiyaya fagaaraha khayriyadda Burco oo ay ku sugnaayeen boqollaal dadweyne ah oo sugayay weftiga KULMIYE.

Guddoomiyaha Xisbiga KUMIYE oo dadweynaah reer Burco kala hadlay fagaaraha Khayriyadda, ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu la xidhiidho qiimaynta waxa ka fulay barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE ku galay ololihii doorashada madaxtooyadda ee sanad iyo badh ka hor xisbigu kul wareegay tallada dalka. Waxaannu Biixi dadweynaha reer Burco si kaftan ku dheehanyahay ugu duurxulay in aas-aasihii xisbiga KULMIEY ka soo jeedo Gobolka Togdheer, sidaa daraadeedna ay mar kale dhexda ugu xidhaan u diyaargarowga doorashooyinka deegaanka soo socda oo ay codkooda siiyaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa,” Burco waxa ku aasan xuddunta xisbiga KULMIYE, Ma jirto cid ballanqaad idinla gadhay oo idin tidhaahda waxqabadkayagu buugaasuu ku qoranyahaye nagula xisaabtama. Annagu odhan mayno kow iyo laba waxaasaannu qabanay, laakiin qollooyinka mucaaridka ee naga soo horjeedaan ha sheegaan waxqabadkayaga, wax ay toban sanno qaban waayeen baannu sanad gudihii ku qabanay.”ayuu yidhi.

Guddoomiye Muuse waxa uu hoosta ka xaqriiqay inaanay dhawayn ballanqaadkii barnaamijka xisbiga KULMIYE, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Maantana cod baanu idinka doonaynaa, shantii sanaba mar baa isbedel siyaasadeed dhacayaa, isbedelka iyo in dhiig cusub tallada qabtana dantiisa iyo dimuqraaiyaddaa ku jira. Weli ma dhawa ballanqaadkii buugii ballanqaadka aad nagu doorateen, illaa aanu ka gaadhayno himiladayada ah inaan gobol la kala sheegan, inaan Burco iyo Hargeysa laba daamood kala sheegaan, inaan gobol cid gaar ahi sheegan, oo horumar, iskaashi iyo wadashayni timaado.”

Muuse Biixi waxa uu intaa raaciyay oo yidhi, “Sidii aad guushaa u keentaan, ileen waa na igmateen oo shaqaa noo dirateen, sanadkaa waxaanhu ku maqnayn hashii aad noo dirteen sidii loo qaabayn lahaa, socdaalkayagan waxa kow ah inaanu u soo noqono dadweynihii na doortay oo aanu nidhaahno xaggee baynu maraynaa? Waxaannu u soo noqonay warbixintii inaanu idin siino wixii dhalliil iyo tusaale ahna aanu idinka qaadano.

 


Waxaynu dooranay nidaamka dimuqraadiyadda oo dhigaya in shantii sanoba mar la doorto goleyaasha deegaanka, markaa maanta waxa taagan doorashadii. Togdheer haddii aad noo gargaarteen; haddii aad nala garateen, haddaad tunka na qabateen oo kursiga sare na saarteen, iyadoo dadku diiftii ka soo gaadhay aanu ka soo kaban maantana dad badani odhan doonaan ma hawshii doorashadaad wadaan? Haa nolosheenaa ku xidhan, si loo helo dhiig cusub oo dalka dhaqaajiya haday Baarlaman, Gole deegaan iyo madaxtooyo tahay, maantana waxaynu dhisaynaa tii dawladaha hoose, markaa waxaan idinka codsanayaa inaad u adkaysataan dhibta dimuqraadiyaddu leedahay.

Su’aasha ugu badan ee dhallinyaradu I weydiisaa waxa weeye, KULMIYE waanagii dooranee miyaad nagu guurayseen., xaggee naga tageen, walaalayaal meelna idinkamaanu tegin waanu idinla joognaa.”

Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi, oo ka hadlay fagaaraha Khayriyada Burco, ayaa soo dhaweeyay weftiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlammaanka oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Xildhibaan Axmed Ducaale, Xildhibaan Axmed Haybe, Xildhibaan Kijaandhe, Xildhibaan, Xogahayaha KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga Cabdiraxmaan Talyanle, La-taliyaha Madaxweynaha ee xidhiidhka Goleyaasha Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye, Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha dhexe Maxamuud Jaamac Warfaa, Garabka haweenka iyo xubno kale.

Galloolay

 

VIDEO-GAN KA DAAWO QAABKII SOO DHAWYANTA GUDDOOMIYAHA

Berberanews.com

Burco, Togdheer

Email, info@berberanews.com