Madixii Sirdoonka dawladdii Qaddaafi oo la qabtay iyo waxa laga yeelayo

Tripoli-(Berberanews)- Madaxi Ciidammada Sirdoonka u qaabbilsanaa dawladdii hoggaamiyihii hore ee Libiya Marxuum Col Gaddaafi, Gen. Abdullah Al-Sanussi, ayay dawladda ku-meel-gaadhka ah ee dalkaas dhawaan laga dhisay gacanta ku dhigtay.

Saraakiisha Ku-meel-gaadhka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkan oo baxsad ahaa ciidamada dawladda, kuwaasi oo ka soo qabtay dhanka koonfureed ee waddanka Libya. Mr Sanussi, oo aan wali lagu arkin Saldhigga ama Xabsiga lagu xidhay, ayaa ahaa ninkii ugu danbeeyey ee ka hadhsanaa xubnihi ka tirsanaa Rajiimkii Gaddaafi, isagoo sida aad ah ay mucaaridka hadda Libiya ka taliyaa u doon doonayey.

Wiilka Gaddaafi dhalay Seef-Al-Islam ayaa Sabtidii dorrad isna la qabtay, labadaban nin ayaa waxa doon doonaya Maxkamadda danbiyada dagaalka caalamiga ah ee Heeg (ICC).

Mr Sanussi, oo ay  Seeddiyo ahaaneen Col Gaddaafi, ayaa la sheegay in lagu qabtay guri ay leedahay Walaashii oo ku yaalla magaalada Sabha oo ku taalla dhinaca koonfureed ee dalka Libya. Waxa lagu tiriyaa inuu ahaa gacantii middig ee hoggaamiyihi la dilay, sidoo kale waxa uu ahaa ninki loogu cabsida badnaa dawladdi Qadaafi.  Cabdullah Sanussi, oo ah 62 jir ayaa hadda laga yaabaa in la soo taago Maxkamad ay leedahay dawladda KMG Libya.

Cabdullah Sanussi waxa lagu eedeeyaa denbiyo ka dhan ah bina-aadannimada intii ay socdeen kacdoonkii lagu riday dawladdi hore ee dalkaas iyo sidoo kale inuu door ku lahaa xasuuq dad badan loogu geystay Libya sannadki 1996, markaasi oo la laayey in ka badan 1,000 Maxbuus Xabsiga Abu Salim ee magaalada Tripoli ku jiray.

 Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.