Kenya iyo Al-shabaab oo sheegay inuu dhinacba dhinaca kale khasaare ballaadhan gaadhsiisay

Badhaadhe-(Berberanews)- Afhayeenka ciidammada Kenya, Major Emannuel Chirchir ayaa maanta sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay shalay duqeymo u geysteen xeryo ay Xarakada Al-shabaab ku lahayd deegaanka Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.
Maj. Chirchir ayaa sheegay in xeryaha ay duqeeyeen ay ahayeen kuwo lagu tababaro ciidamada Al-shabaab, ayna khasaare u geysteen tababarayaal Al-Qaacida ka tirsan iyo xoogag taabacsan Al-shabaab oo la tababarayay “Weerarka waxaa qaaday diyaaradaheenna dagaalka, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil Al-Qaacida ka tirsan oo tababar siinayay ciidamada Al-shabaab, khasaare ayaana gaadhsiiyeen”. Sidaa ayuu warbaahinta u sheegay Major Chirchir oo aan sheegin tirada dadka ku dhintay duqeynta.
Diyaaradaha dalka Kenya ayaa dhowr jeer oo hore weerarro duqeyn ah ka geystay gobolka Jubbada hoose, waxaana duqeymahaas ka mid ah mid loo geystay xero ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku taalla degmada Jilib, kaasoo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay barakacayaashii ku jiray xeradaas.
Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin duqeynta ay Kenya sheegtay inay u geysatay xeryo tababar oo ku yaalla Badhaadhe. Afhayeenka milateriga Kenya ayaa beeniyay in Al-shabaab ay waxyeello u geystay markab dagaal oo ay leeyihiin.Duqeynta ay sheegtay Kenya inay u geysatay xeryo tababar ayaa waxay ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Kenya ay horraantii bishan sheegtay inay duqeynayso 10 magaalo oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale, Bayaan ay Al-shabaab soo saartay ayay ku sheegeen inay weerar gaadmo ah ku dileen shalay gallinkii dambe sideed askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya ee ku sugan gobolka Jubbada hoose. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ciidamada Kenya uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Taabto iyo degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose qiyaastiina 60-km isku jira.

“Mujaahidiintu waxay weerareen lix gaari oo ay la socdeen ciidamada Kenya, waxay halkaas ku dileen sideed askari, intii kalena way baxsadeen,” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Al-shabaab oo saxaafadda lasoo gaadhsiiyay..

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland..