Golaha Wakiilada Somaliland oo Dood adag ka Yeeshay Xeerka Baananka

Hargeysa-(Berberanews)- Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa fadhigoodii maanta dood adag ka yeeshay xeerka Baanka dhexe oo golahaasi ay hore ugu soo gudbiyeen Guddiga Dhaqaalaha ee Wakiillada.

Fadhigan maanta ee golahaas oo Shhirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Fadhigaas oo ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee golahaasi Md  Maxamed Cumar Xaashi ayaa golaha ka hor akhriyey sidii ay ku soo diyaariyeen xeerkan isaga oo sheegay in ay la kaashadeen dhamaan hay’adaha xidhiidhka la leh baananka sida Xawaaladaha, Sariflayaasha, Culimada iyo garyaqaano aqoon u leh nidaamka baananka isagoo arrinka ka hadlaya waxa uu yidhi;

“Sida aynu og nahay shaqada uu baanka dhexe u hayo bulshada waa shaqo muhiima sida ilaalinta lacagta iyo ruqsad bixinta uu siinayo baananka kale, maantana bulshadeena waxa ka dhiman baanankii kobcin lahaa dhaqaalaha. Guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiiladu intii aanay diyaarin xeerkan waxay aad iskugu hawshay inuu qabsoomo kulan hawleed balaadhan, kulankaas oo lagu martiqaaday dhamaan hay’adaha shaqada la leh baanka sida Xawaaladaha, sariflayaasha, culimada, iyo garyaqaano aqoon u leh xeerarka baananka, kulankaasna waxa ka soo baxay talooyin muhiima oo ku dhex jira xeerkan.”Sidaa ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Maxamed Cumar Xaashi.

Xeerkan shalay ay golaha wakiiladu ka doodayeen ayaan wali laysku waafaqin in la sii wado doodiisa iyo in kale maadaama oo mudanayaashii fikirkooda ka dhiibtay Xeerkan oo tiradoodu dhamayd sagaal xildhibaan ay toddoba ka mida xildhibaanadaasi ay soo jeediyeen in xeerkan dib loogu celiyo gudiga dhaqaalaha ee golahaasi iyaga oo ku sababeeyey inaanu xeerkani waafaqsanayn nidaamka islaamka oo uu banaynayo ribada baanka dhexe, sidaas daraadeed aan loo baahnayn in laga doodo, halka ay laba xildhibaana soo jeediyeen in la furo dooda xeerka iyaga oo ku doodayey in xeerkani dhamaystiran yahay oo aan loo baahnayn in dib loogu celiyo guddiga dhaqaalaha ee golahaasi.
Dhinaca kale,qaar ka mida mudanayaasha golaha wakiilada ayaa gudoomiyaha ka codsaday in xeerkan loo qaado cod gacantaag ah.Balse gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa codsigaas kaga jawaabay inaanay golaha u dhamayn kooramkii ay ku gaadhi lahaayeeen go’aanka xeerkan, sidaas daraadeed gudoomiyaha golaha ayaa ku wargaliyey xildhibaanada golaha in maalinta arbacada ay go’aan ka gaadhi doonaan xeerkan baanka dhexe.Fadhigan shalay ayaa ka dareemaysay xildhibaanada sawaxan iyo buuq ka dhexjira golaha dhexdiisa

Berberberanews.com

Hargeysa/Somaliland. 

Normal
false
false
false
EN-US
X-NONE
X-NONE
MicrosoftInternetExplorer4
 
/* Style Definitions */
table.MsoNormalTable
{mso-style-name:”Table Normal”;
mso-tstyle-rowband-size:0;
mso-tstyle-colband-size:0;
mso-style-noshow:yes;
mso-style-priority:99;
mso-style-qformat:yes;
mso-style-parent:””;
mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt;
mso-para-margin-top:0in;
mso-para-margin-right:0in;
mso-para-margin-bottom:10.0pt;
mso-para-margin-left:0in;
line-height:115%;
mso-pagination:widow-orphan;
font-size:11.0pt;
font-family:”Calibri”,”sans-serif”;
mso-ascii-font-family:Calibri;
mso-ascii-theme-font:minor-latin;
mso-fareast-font-family:”Times New Roman”;
mso-fareast-theme-font:minor-fareast;
mso-hansi-font-family:Calibri;
mso-hansi-theme-font:minor-latin;}
 
Golaha Wakiilada Somaliland oo Dood adag ka Yeeshay Xeerka Baananka

Hargeysa-(Berberanews)- Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa fadhigoodii maanta dood adag ka yeeshay xeerka baanka dhexe oo golahaasi ay hore ugu soo gudbiyeen gudiga dhaqaalaha ee golahaasi, fadhigan shalay ee golahaas oo Shhirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Fadhigaas maanta oo ugu horayn Gudoomiyaha Gudiga dhhaqaalah ee golahaasi Md  Maxamed Cumar Xaashi ayaa golaha ka hor akhriyey sidii ay ku soo diyaariyeen xeerkan isaga oo sheegay in ay la kaashadeen dhamaan hay’adaha xidhiidhka la leh baananka sida Xawaaladaha, Sariflayaasha, Culimada iyo garyaqaano aqoon u leh nidaamka baananka isagoo arrinka ka hadlaya waxa uu yidhi  “Sida aynu og nahay shaqada uu baanka dhexe u hayo bulshada waa shaqo muhiima sida ilaalinta lacagta iyo ruqsad bixinta uu siinayo baananka kale, maantana bulshadeena waxa ka dhiman baanankii kobcin lahaa dhaqaalaha. Guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiiladu intii aanay diyaarin xeerkan waxay aad iskugu hawshay inuu qabsoomo kulan hawleed balaadhan, kulankaas oo lagu martiqaaday dhamaan hay’adaha shaqada la leh baanka sida Xawaaladaha, sariflayaasha, culimada, iyo garyaqaano aqoon u leh xeerarka baananka, kulankaasna waxa ka soo baxay talooyin muhiima oo ku dhex jira xeerkan.”Sidaa ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Maxamed Cumar Xaashi