Berbera: Shalay iyo Maanta Qaybta 4aad


Berberanews Staff

Waa barnaamij taxanne ah oo shebekadda Berberanews akhristayaasheeda ugu soo gudbin doonto isbedelka magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ku yimi intii xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Silaanyo tallada la wareegtay ee dhinacyada dub-u-dhiska, dayactirka, addeegyada bulshada, dhaqaalaha, goobaha hay’adaha dawladda ee kala duwan siday ugu kala horeeyaan horumarka.

Akhristayaal annagoo idinka raaligelinaya mudada kooban ee aanan idiin soo gudbin qaybihii kale ee aanuu idiin ballanqaadnay, waxaannu dib u bilownay qaybihii ka hadhsanaa, iyadoo qaybteenan afraad aanu ku eego doono qaar ka mid ah addeegyada bulshada Berbera tebaysay, ka dor intii aan xisbiga KULMIYE talada dalka ku guulaysan.

Addeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida caafimaadka, laydhka, biyaha iyo waxbarashada, ayaa la rumaysanyahay inay xuddun u ahaayeen sababta reer Berbera uga hayaameen magaalada, ka dib markii gabaabsi iyo qaaliyow isu barkadeen, kuwaasoo raadsaday meelo ay ka heli karaan addeegyo bulsho oo fayow.

Waxa jirta in qaar ka mid ah addeegyada bulshadu ka soo reynayaan sidii ay ahaayeen xilliyo hore, haseyeeshee waxa weli taagan baahiyo dhinaca bulshada ah oo dad badani farta ku fiiqayaan wax-ka-qabadkooda.

Biyaha

Berbera oo ah meel xeeb ah oo aad u kulul haddana waxa weeye magaalada kaliya ee dalka oo dhan ugu biyaha jaban, 4,000 kun baannu ka qaadi jirnay shanta foosto, waa laga shiray oo boodh ayaa loo saaray, dabadeedna duruufihii sicir-bararka ee dhacay awgood 2,000 ayaa lagu daray, markaa imaka halka Mitir-kuyuub oo u dhigma shan foosto waa 6,000 kun oo shilinka Somaliland ah, halkii Foostaba waa 1200.

Waxbarashada..

Berbera waxa ka jira hal dugsi sare oo qudha, kaasoo magaciisu yahay Bursade, nasiib darro-se ardayda ka baxda dugsigani nasiib umay yeelan Jaamacad ay Berbera ka heli karaan xilliyadii hore, marka ay dugsiga dhammaystaan, maadaama aanay gobolka Saaxil ka jirin waxbarasho Jaamacadeed intii ka horaysay sanadkii 2009 oo Berbera laga aas-aasay Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee GOLLIS University Berbera, waxaanay dhallinyaro badani nasiib u heleen inay waxbarasho jaamacadeed ka helaan Berbera oo ay qoysaskooda la noolaadaan. Halka ardayda qoysaskoodu ladanyahay waxbarasho u doonteen magaalooyinka kale ee dalka.

“Iyadoo laga duulayo dadka Saaxil sidii gobolka loogu nagayn lahaa, waxaannu sannadkii 2009 ka aas-aasnay Berbera Jaamacadda Gollis, si uu gobolkani ugu soo noqon lahaa sidii uu ahaan jiray waagii hore, inay qoysaskooda la noolaadaan ardaydu , halkii ay ka tegi lahaayeen gobollada kale, taasoo ku adag, kuna keliftay inay waxbarashada ka hadhaan, waana baahi keentay inaan jaamacad u sammayno Berbera.” Sidaa waxa yidhi Maamulaha Jaamacadda GOLLIS Berbera Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka warbixinaya sababihii loo aas-aasay jaamacadda.

Isku day ay sammeeyeen shakhsiyaad u dhashay Gobolka Saaxil waxay Berbera ka yagleeleen sannadkii 2006 Kulliyadda Culluumta Badda oo ay gacan ka geysteen qurobooga Somaliland, ganacsato iyo maamulka Saaxil, haseyeeshee Jaamacaddaasi may noqon mid si habsami ah u shaqaysay, haseyeeshee maamulka cusub ee Gobolka Saaxil, ayaa kala wareegay aas-aasayaashii kulliyaddaas, una magacaabay Guddi cusub, balse illaa haatan may noqon mid mar danbe albaabada loo furay.

La soco qaybo kale oo xiise badan

Berberanews.com, Berbera

Email, info@berberanews.com