Hargeysa: Wararkii u danbeeyay Iska hor imaad sababay Khasaare Dhimasho iyo dhaawacba sababay oo dhexmaray Ciidanka Booliska iyo dadweyne

Hargeysa-(Berberanews)- Alle ha u naxariistee wiil dhallinyaro ah oo magaciisu yahay Marxuum Maxamud Iid Ibraahin, ayaa geeriyoodey, ka dib markii saaka iska hor imaad dhexmaray ciidanka booliska iyo dadweynaha xaafadda Jajabka ee bariga kaga dhegan Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Hargeysa.

Sida shebekadda Berberanewsay u  xaqiijiyeen dadweyne goobjoogayaali, ciidanka booliska Somaliland, ayaa saaka waaberigii guluf ku qaaday Xarunta Jajabka dawladda oo ay deganaayeen dadweyne siyaabo kala duwan u qabsaday xilliyo kala duwan, kuwaasoo xukuumaddu ku wargelisay inay ka guuraan, iyadoo goobtaana laga dhisayo cisbitaal ay maalgelinayso haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga, haseyeeshee dadweynaha xaafadda degan, ayaa dagaal kala hor yimi ciidanka boolis, waxaana halkaa ku dhexmartay is-rasaasayn muddo saacad ku dhawaada socotay, taasoo sababtay inuu ku geeriyoodo wiil dhallinyaro ah oo xaafadda degannaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale.

“ Waxa saaka dhacay hawl-gal ciidamada boolisku fuliyeen kaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac aan loogu tallo-galin, markaa waxaan tacsi u dirayaa ehelkii uu ka geeriyooday Maxamed Iid Ibraahim oo ahaa wiil dhalinyaro ah, waalidka wiilka dhalayna waalid tag-daran ayuu ahaa markaa waa laba geeriyood waxaanan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka hadlay dhacdadan.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay inay baadhis ku sammaynayaan dilka ciidanku gaystay sida u u dhacay.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore ugu wargelisay dadka xaafaddaasi inay ka guuraan, maadaama ay deganyihiin dhul dawladdu leedahay, loogana faa’iidaynayo bulshada Somaliland oo laga dhisayo cisbitaal caalamiya, haseyeeshee dadweynahaa xaafaddas ayaa dhegaha ka furaystay ammarka dawladda, taasoo sababatay iska hor imaadka khasaaraha keenay ee dhexmaray.

Wararkii u danbeeyay ee aanu ka helay xaafadda Jajabka ee iska hor imaadku ka dhacay, ayaa xaqiijiyay in goobtaasi gacanta ugu jirto ciidanka booliska oo khasab kaga raray dadweynihii rabshadaha kala hor yimi.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa dhawaan soo saaray digreeto uu uga digayo dadweynaha iyo masuulliyiinta ku jira dhulka dawladdu leedahay inay iibin karaan, mamnuucna tahay sifo kasta oo sharci darro loogu luunsanayo.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com