“Ragga Taleex shirka ka wadoow, waar shirkaasi mid loo dhan yahay maaha oo waa shir gaar ah, waxaanu leenahay anagu shirkaasi ma aqoonsanin,..”Wasiir Xaabsade.

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland aanay aqoonsanayn Shirka Beeshiis 5-ta bisha November uga furmaya Degmada Taleex ee gobolka Sool ee loogu Magac daray Khaatumo 2.

Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu sheegay in shirka Taleex aan loo dhamayn isla-markaana ay maamulayaan shakhsiyaad qurbaha ka yimid, taasina ay tahay wax aan la aqbali Karin, isaga oo sheegay in Shirka loo dhamaado, waxaanu sidaas ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay Munaasibad loo sameeyay Maxaabiis ka tirsan Maleeshiyadda SSC oo Xukuumadda Somaliland Cafis u fidisay maanta.

Wasiir Xaabsade oo ugu horeyn ka hadlaya arrimahaas, waxa uu yidhi “Horta dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho dan kalena laguma gaadho, dadka dagaalka wadana waxaanu leenahay hubka iska dhiga, dadka hadda dagaalka ku ordayana waxa la idiinka baahan yahay waxaan dagaal ahayn, waxa la idiinka baahan yahay inaad tacliin keentaa, inaad wada hadal keentaan, markaa gogoshii loo fidiyey beelahaa (Beelaha Buuhoodle) dagaalamaya gogoshii la idiin fidiyay wali way taalaa, gogoshaana waxa loo baahan yahay in loo dhammaado oo si dhab ah loo heshiiyo oo wax loo wada lahaado oo dalka nabadgalyo loogu dedaalo xoriyadiisana uu dalku sidaa ku helo, aqoonsina sidaa ku helo.”

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland Wasiir Xaabsade waxa uu ka hadlay shirka Teleex ee Khaatumo 2 “Ragga meesha la yidhaahdo Taleex shirka ka waddow, waar shirkaasi shir loo dhan yahay maaha oo waa shir gaar ah, waxaanu leenahay anagu shirkaasi ma aqoonsanin, waxaanuna leenahay haloo dhamaado, waayo talada iyo dhulkaba waa la wada leeyahay, nin shalay ka yimid qurbaha taladu kaligii uma taalo, ninkii shalay ka soo cararey Maraykan ama London ee Caruurtiisu halkaa wax ugu baranayso isaguna biyahaa qabow cabay”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Anigaa talinaya cidna ka yeeli-mayso oo laga ogolaan maayo, waxaanuna diyaar u nahay in talada la wada yeesho oo la wada hadlo oo gogosha lagu wada fadhiisto oo danta laga wada hadlo, markaa waxaan leeyahay waar danta aynu isagu nimaadno oo aynu wax isla qaadano”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com