Golaha Guurtida oo Ka Dooday Xaalada Nabadgelyada Dalka, Talooyina u Soo Jeediyay Hay’addaha Amniga

Hargeysa-(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii Maanta kaga dooday xaalada nabadgelyada dalka, waxaanay talooyin u soo jeediyeen  Ha’yadaha amniga.

Fadhigan oo uu Shirguddoominayay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, waxaanay Mudanayaashu kagaga doodeen Xeerka Nabadgalyada,  kaas oo ka mid ahaa Ajandaha kalfadhiga 45-aad.

Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo ka hadlay aragtidiisa ku wajahan qodobka nabad galyada ee laga doodayay ayaa  si gaar ah waxa uu uga hadlay arrinta colaada beelaha wada daga dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, waxaana hadaladiisii mid ahaa  “Arrintaa Kililka shanaad ee Ethiopia laga soo sheegayo oo dad ku dhinteen waxaan soo jeedinayaa  in golle ahaan aynu ka qaadano doorka aynu ku leenahay oo aynu ka soo saarno baaq nabadeed oo arrintaa ku wajahan ayaan anigu soo jeedinayaa.  Arrinta Kalshaale wali beelihii layskuma keenin waxaad moodaa in ay siyaasadi ku jirto, waxaan raacsanahay in uu gaabis jiro oo loo  baahan yahay  in inaga iyo xukuumadu aynu dib isugu noqono si loo saxo wixii qaladda ee jira haddii ay xukuumada noqoto iyo haddii ay inaga.”

Md Caydiid Cabdi Maxamed  waxa kale oo uu ka hadlay colaadii deegaanka Kal-shaale ku dhexmartay Beelaha Qurlugud iyo Buuhoodle, waxaanu yidhi  “Arrinta Kalshaale wali beelihii layskuma keenin waxaad moodaa in ay siyaasadi ku jirto, waxaan raacsanahay in uu gaabis jiro oo loo  baahan yahay  in inaga iyo xukuumadu aynu dib isugu noqono si loo saxo wixii qaladda ee jira haddii ay xukuumada noqoto iyo haddii ay inaga.”

Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed oo isna ka mid ahaa mudaneyaashii doodooda ka dhibtay fadhiga ayaa ka hadlaaya arragtidiisa ku wajahan nabagalyada,  waxa uu yidhi “Nabad galyada dalku aad bay u wanaagsan tahay, hadana iyadoo wanaagsan in mar walba laga werweraa aad bay u wanaagsan tahay.aniga aragtidaydana waxa inoogu dhib-badan caruurteenii oo habeenkii saf-saf isku laynaaya taas oo nabad galyada wax u dhimaysa.”

 Xildhibaan Cawil waxa uu ka digay halista ay nabadgelyada ku hayaan kooxaha Argagixisada waxaanu yidhi “Arrintaasi waxay u baahan tahay siddii aynu awalba dawlada iyo shiciba u wada shaqaynay  in aynu uga wadda shaqayno oo uu qofwaliba bilays noqdo oo uu halka uu joogo nabadgalyada ka illaaliyo wixii dhib wadda ee uu arkona la socodsiiyo ciddii ku shaqo leh. Anigu waxaan soo jeedinayaa in Golaha guurtidu kordhiyo wacyi galinta dadwaynaha ee xagga nabadgalyada.”

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo Guddiyadii nabadgelyada ee xaafadaha magaalooyinka laga sameeyay, waxaanu yidhi

“Waxaan leeyahay waa in la xoojiyaa guddiyada nabadgalyada ee xaafadaha ka jira waxaana loo bahan yahay in loo sameeyo shuruuc arrimahaas wax lagaga qabto madaama oo aynu nahay golleyaashii sharci dajinta,”

Gababgabadii fadhigaasna waxa loo balamay in fadhiyada maalmaha soo socda  halkaa laga sii abo qaado dooda xeerka nabad galyada.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com