Taageerayaasha Qadaafi oo ka dhex toosay Caasimadda Libya

Tripoli, (Berberanews.com/Reuters)- Dagaal iyo is rasaasayn laba dhinac ah ayaa shalay jimcihii ka qarxay Caasimadda dalka Libya ee Tripoli, waxaana sida wakaalada wararka ee Reuters ku warantay rabshado gacan ka hadal ahii ay ka dhaceen xaafado ka mid ah magaalada oo waliba aad ugu dhow badhtamaha magaalada, kuwaas oo u dhexeeyay, maleeshiyo taageersan hogaamiyihii hore ee libya Colonel Qadaafi iyo ciidamada golaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya.

Degaanka ugu badan ee dagaaladani ka dhaceen ayaa la sheegay inay tahay xaafada Abu Saliim ee magaalada Tiripoli halkaas oo subaxnimadii hore ee jimcaha lagu arkay 50-dagaal yahan oo taageersan Qadaafi, kuwaas oo jid gooyooyin ka sameeyay xaafadaa gudaheeda kuna dhawaaqayay halku dhegyo lagu taageerayo hogaamiyihii talada laga tuuray ee dalka Libya Colonel Qadaafi oo wakhtiga firxad ku jira.

 

Dad goob joog ahaa ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in la maqlayay dhawaaqa rasaasta iyo hubka daran dooriga u dhaca oo labada dhinac is waydaarsanayeen, waxaana halkaa ku sii qul qulayay ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan xoogaga golaha ku-meel gaadhka ah ee dalkaas, dadka ku nool xaafadaha u dhow degaanka Abu Saliim ayaa la arkayay iyagoo guryahooda ka cararaya, hasa yeeshee hogaamiyayaasha golaha ku-meel gaadhka ee dalkaas xukuma ayaa dadka ugu baaqay inay is dejiyaan, iyagoo sheegay in laga xoog roonaaday markiiba ayna ahaayeen koox yar oo 20-qof aan ka badnayn.

Rabshadahan ka dhacay caasimadda dalkaas ayaa ku soo beegmaya xili dagaalo qadhaadhi ka socdaan magaalada Sirta ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo hogaamiyihii hore ee dalka Libya Qadaafi, halkaas oo dib ay uga soo gurteen xoogaga ciidamada golaha ku-meel gaadhka ah ee dalkaasi ka dib markii iska caabin laxaad leh ay kala kulmeen, taageerayaasha Qadaafi.

Faysal Maxamed Xasan

Berberanews.com Reporter

Email: daralla066@gmail.com