Qaramada Midoobay Oo Si Rasmi ah u Ogolaatay Calanka Cusub Ee Libya

Vienna, (Berberanews.com/AP)- Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo ah urur waynaha kulmiya dhamaan, Qamada dunida ayaa shalay ku dhawaaqday in calanka rasmi ahaan dalka Libya loo aqoonsan yahay uu yahay calanka cusub ee golaha ku-meel gaadhka dalkaasi u isticmaali jireen, kacdoonkii ay kaga soo hor jeedeen hogaamiyihii hore ee dalkaas Mucaamar Al Qadaafi.

Haddaba markii aqoonsiga calanka cusub ee Libya Qaramada midoobay ku dhawaaqday ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah looga taagay xarumaha qaramada midoobay, waxaana calankii ugu horeeyay maanta la sudhay xarunta qaramada midoobay ku leedahay magaalada Vienna ee dalka Ustariya oo xarun wayn qaramada midoobay ku leedahay.

Calankan Libya ee cusub ee Qaramada midoobay ogolaatay in si rasmi ah xarumaheeda looga taago, ayaa ahaa calankii kooxihii kacdoonka ka dhanka ah hogaamiyihii hore ee dalkaasi ku dagaal galayeen, astaantooda rasmiga ahna ay ka dhigteen. Kaas oo ay ku doodayeen inuu ahaa calankii xoriyada ee wakhtigii Boqor Idiris Sanuusi dalkaas laga isticmaali jiray.

Dalka Libya ayaa markii sadexaad taariikhdiisa calanka laga badalay, waxaana calankii ugu horeeyay badalay Mucaamar Al Qadaafi oo afganbi milatari dalkaas ku qabsaday horaantii bishii September 1969-kii, kaas oo calanka dalka iyo astaamaha tawradiisa ka dhigay midabka cagaaran.

Hasa yeeshee wuxuu calan cusubi dib u soo noqday markii Kooxaha mucaaridku ay u isticmaalayeen kuna dagaal galeen calankan oo ka duwan kii cagaarnaa ee dalkaasi lahaa 42-dii sanadood ee Qadaafi xukumayay, waana mid leh midabyo kala duwan.

Aqoonsiga Calanka cusub ee Libya ayaa ku soo beegmaya xili dagaalo qadhaadhi ka socdaan magaalada Sirta oo ah halka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo hogaamiyihii hore ee dalkaas Mucaamar Al Qadaafi, oo wakhtigan ku jira dhuumasho aan la ogayn meesha uu caalamka kaga sugan yahay. Dadka ku dhaqan magaaladaas ayaa ka qaxaya duqaynta xoogan ee cirka iyo dhulkaba kaga socota magaalada.

Faysal Maxamed Xasan

Reporter Berberanews.com

Email: daralla066@gmail.com