Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay qallinjebita dufcaddii 8aad ee Jaamacadda Hargeysa ka qallinjebiyay iyo muuqaalladii bilicda lahaa

Hargeysa- (Berberanews)- Dufcadii 8-aad ee ka qallinjebisa Jaamacadda Hargeysa oo ka kooban 538 arday oo kulliyado kala duwan ka baxay, ayaa maanta shahaadooyin lagu guddoonsiiyey xarunta jaamacadda.

Munaasibad qurux badan oo maanta lagu qabtay barxad ku taal jaamacadda Hargeysa oo ay ka qaybgaleen Madaxweyanaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, guddoomiyayaasha xisbiyada KULMIYE, UCID iyo UDUB, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan, arday iyo waalidiin, waxa loogu xafladeeyey 538 arday oo shahaadada degree ka kala diyaariyey toban kulliyadood oo ay ka mid yihiin kulliyadaha Caafimaadka, Daraasaadka Islaamka, Sharciga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maamulka, cilmi-baadhista, Kombuutarka, Xisaabaadka iyo qaar kale.

Ugu horreyn Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Muuse Aadan Axmed oo munaasibaddaasi hadal ka jeediyay, ayaa ka warbixiyay taariikhda jaamacaddu soo martay, isagoo xusay in aasaaskeedu salka ku hayey sidii aqoonta dalku u horumari lahayd, “Jaamacadani waa inay kaalin weyn ka qaadato sidii uu dalkani u noqon lahaa mid taabbagala haddii ay ahaan lahayd horumar dhaqaale, caafimaad, waxbarasho iyo mid kaleba. Ardeyda Jaamacadu waxa si mug leh uga qaybqaateen diiwaangelintii iyo doorashooyinkii ka dhacay dalka, waxaannay hawshaas u guteen si xaq ah oo caddaalad ah, iyagoo suurtageliyey in doorashadaasi u dhacdo si xaq iyo xalaal ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Aadan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hadal kooban oo uu xafladaasi ka jeediyey, waxa uu ugu hambalyeeyey ardayda qallinjebisay oo uu uga mahadnaqay dadaalka ay sameeyeen.
“Jaamacada Hargeysa waa Jaamacad qaran, waa Jaamacad taariikhiya waa Jaamacad ay ku Faanayaan dadka reer Somaliland waxaan u rajeenayaa in guusha maanta marayso ay ka sii sarayn doonto,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.
 
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in tacliintu tahay horumarka bulshada, sidaa daraadeedna waxa uu ballanqaaday in dawladdiisu gacan ka gaysan doonto kobcinteeda, gaar ahaana waxa uu ka aqbalay maamulka jaamacadda baahiyo ay sheegteen in wax lagagala qabto.

“Anagu dawlad ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanu gacan ka geysano wax kasta oo ay jaamacaddaha dalku u baahdaan,waxaan idin leeyahay waxaanu wax idin kala qaban doonaa baahiyo badan oo aad sheegateen,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Dhinaca kale, masuuliyiinta saddexda xisbi qaran oo iyaguna khudbado ka jeediyey xafladda ayaa ka hadlay qiimaha waxbarashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, balse kama hadal wax siyaasad la xidhiidha.
Gudoomiye-ku-xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ardayda kula dardaarmay inay ka fogaadaan tahriibta oo uu ku tilmaamay inay noqotay dhibaato la caadaystay.

“Anigu waan soo maray mucaarad iyo muxaafid wuxuu yahayna waan garanyaa, bal maanta waxa la doonayaa muxaafid iyo mucaarad in miis la isugu keeno oo annagu (UDUB) waxaannu ahayn niman gaariday oo la garaaci jirey, Faysal (Faysal Cali Waraabe) uun baan marin muxaafidnimadda ee Axmed (Axmed Siilaanyo) wuu garanayaa waxay tahay muxaafadnimadda iyo Mucaaradnimadu, Mucaaradnimadda waxa ku jirra inyar oo xaasidnimo ah, markaa waxaan leeyahay ha la isku soo yara dhawaado arrimaha meelo dhexdheexaad ah ha la isugu keeno,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu ka dayriyey nidaamka maamul ee jaamacadda Hargeysa, waxaannu yidhi, “Jaamacadda Camuud waxa ay hoostimaada Gobolka Awdal, kuwaasi oo gacanta ku haya, jaamacada gobolkaTogdheer waxa gacanta ku haya Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer, Jaamacada Hargeysa ilaa iyo hadda meel ay ku abtirsato garanmayno, Jaamacad aan la garanayn cidda loo raacaba iyo cidda u hiilinaysa oo ka naxaysaa Jaamacad noqonmayso, waxan soo jeedinayaa in jaamacad la dhigo jaamacad wanaagsan oo ay dawaladdu la wareegto, waxa weeye Jaamacaddu way ballaadhatay waa caasimaddii, Jaamacaddu ku shaqayn mayso yaa ALLE waxa u dhiibey, mar hadday dawaladdu soo magacaabayso cidiin madax ka ahaan lahaa waa inay dhaqaalaheedana qayb libaax ka qaadataa.”

Sidoo kale, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna hambalyeeyey ardayda qallinjebisay, isagoo ku ammaanay doorkii ay ka soo qaateen doorashadii iyo diiwaangelintii dalka ka dhacay.
Waxa kale Muuse Biixi taageeray aragtida uu soo jeediyey Faysal Cali-waraabe ee ah in cid gaar ah oo maamusha jaamacadda loo sameeyo, waxaannu xusay in xisbigiisa iyo xukuumadda ka dhalatay dadaal ugu jiraan sidii ay uga dhabayn lahaayeen ballanqaadkoodii horumarinta aqoonta.
Waxa kale oo munaasibaasi ka hadlay Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiye-ku-xigeenka jaamacadda iyo xubno kale oo ka mid ahaa marti sharafta, kuwaas oo ardayda hambalyeeyey.
Ugu dambayna waxa Madaxweyne Siilaanyo halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiyey ardayda qallinjebisay.