Xoogaga Qabaa’ilka ee dalka Yaman oo dhulka Soo dhigay diyaarad Ciidamada Cirku leeyihiin

Sanca, 28 September 2011 (Berberanews.com/Reuters)- Dagaal yahaniinta Qabaa’ilka ee dalka Yaman ayaa soo riday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee ciidanka dalkaas, taas oo sida xubno u hadlay qabaa’ilku sheegeen duqaynaysay goobo dad rayid ahii dagan yihiin wakhtiga dhulka la soo dhigay.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Miig 29, ayaa ka qayb qaadanaysay duqayn ciidamada dalka Yaman ku garaaceen degaanada Naham iyo Arxab ee waqooyiga caasimadda dalkaas ee Sanca, halkaas oo maalmihii u danbeeyay dagaalo qadhaadhi ku dhex marayeen, dagaal yahaniinta qabaa’ilka iyo ciidamada milatariga ee dalka Yaman.

Sidoo kale dagaal yahanada qabaa’iilka ee dalkaas ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen saldhig ciidamada ilaalada jamhuuriga ee dalkaasi leeyihiin, ciidamadaas oo uu hogaamiyo wiil madaxwenaha dalkaas Cali Cabdalle Saalax dhalay.

Geesta kale Madaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalle Saalax ayaa ugu baaqay culimadda Diinta ee Dalkiisa inay soo saaraan Fatwo sharci oo ay ku cadaynayaan, xumaanta iyo mahlakada ay ku sugan yihiin, kuwa diidan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, xiisada ka taagan dalkaas lagu dhamaynayo iyo cidii taageero siisaa.

Faysal Maxamed Xasan

Daralla066@gmail.com