Xarunta Saadaasha NASA Oo Sheegtay In Burburka Dayax-gacmeed Maraykanku leeyahay Dib Ugu Dhacay Sabtida

Washington, (Berberanews.com/NASA):-Wakaaladda Sahaminta hawada u qaabilsan dalka Maraykanka ee “NASA” lagu magacaabo ayaa warsaxaafadeed ay maanta oo jimce ah soo saareen, faah faahin kaga bixiyay xalaadihii u danbeeyay ee Dayax gacmeedkii Maraykanku lahaa ee  (UARS) oo burburkiisi maanta la filayay inuu dunidda ku habsado.

Sida qoraalkaa NASA soo saartay lagu sheegay, soo dhicitaankii burburkaas ayaa dib ugu dhacday duhurnimada maanta oo sabti ah, sidoo kale wakaalada Sahaminta hawada sare ee Maraykanku waxa ay qiyaas sugan ka bixisay xajmiga uu leeg yahay qaybta burburkaas dhulka ka soo gaadhi doonta, taas oo ay ku qiyaaseen inuu leeg yahay Basaska Iskuulada ama haddii aynu waxyar sii faah faahino qiyaasta basaska dhaadheer.

Cabsida laga qabo meesha uu ku dhici doono ayaa wali taagan inkastoo khabiirada iyo injineerada NASA u badinayaan inuu ku beegan yahay Maraykanka ama waqooyiga Yurub, dhawr cisho ka hor ayay NASA sheegtay in dayax gacmeedkaas oo gaboobay isla markaana wakhti hore hawl gab noqday uu faraha ka baxay oo ay awood u waayeen maamulidiisa.

Wakhtigaas waxa ay NASA bixisay digniin ay ku sheegayso in meesha uu ku dhacayo aanay ogaan Karin, wax ka horeeya laba saacadood marka uu soo dhacayo, sidoo kale waxa ay ka warameen xawaaraha uu jarayo halkii ilbidhiqsi oo dhan 5 mayl ama sideed kilo miter

Si kastaba ha ahaatee waxa wali taagan cabsida meesha uu ku dhici doono iyo khasaaraha ka dhalan kara, ilaa walina lama sheegin in awoood lagaga hor tago NASA wakaalada sahaminta hawada sare ee Maraykanku u leedahay.

Faysal Maxamed Xasan

Reporter Berberanews.com

Daralla066@gmail.com