Door Intee leeg bay Haweenka Somaliland ku leeyihiin Saxaafadda?

Hargeysa-(Berberanews)- Marba, marka ka danbaysa waxa saxaafadda Somaliland ku soo kordhaya haweenka suxufiyiinta ah ee ka shaqeeya hay’adaha kala duwan ee warbaahinta, gaar ahaan Telefiishanada iyo Idaacadaha ka jira dalka.

Marka aynu eegno duruufaha guud ahaan saxaafadda Somaliland ka simantahay waxa muuqata in doorka haweenku ku leeyihiin saxaafaddu yahay mid aad uga hooseeya marka la barbar dhigo doorka ragga, iyadoo aanay jirin gabdho maamula hay’ad warbaahineed amma leeyihiin.

Ururka WIJA oo ka shaqeeya horumarinta haweenka saxaafadda Somaliland waxa uu dedaal ugu jiraa sidii kor loogu qaadi lahaa doorka haweenka saxaafadda, islamarkaana xal u raadinaya sidii haweenku ugu gudbi lahaayeen caqabadaha ka hortaagan inay gaadhaan meel sare oo u dhiganta amma ku dhaw ta ragga.

Midi, Fahna, Agasmie Axmed iyo Ruugcadaaga saxaafadda Xuseen Cali Nuur

Ururka WIJA oo ka duulaya xal-u-helida haweenka iyo doorka ay saxaafadad ku leeyihiin, ayaa maanta hudheelka Xaraf ee Hargeysa ku qabtay Dood-cilmeed ay ugu magac-dareen “Doorka Haweenka iyo saxaafadda dhexdhigay” oo ay isugu keeneen tifatirayaasha iyo madaxda hay’adaha warbaahinta ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, si ay jawaab waafiya ugu helaan caqabadahan.

Agaasimaha Fulinta WIJA, Marwo Fahma Yuusuf Ciise, ayaa sheegtay inuu yaryahay doorka haweenku ku leeyihiin saxaafadda, marka loo eego dhinac maamul iyo mid shaqoba, inkasta oo ay ku faantay in haween tacliin iyo kartiba lehi ku jiraan warbaahinta, laakiin aanay nasiib u yeelan inay ka dhexmuuqdaan amma helaan fursado la mid ah kuwa ragga.

 

“Doorka saxaafadada ee arrimaha haweenka, marka laga hadlayo saxaafadda haweenku way ku tiro yaryihiin, shaqo ahaan iyo maamul ahaanba, hadaba ma hay’adaha warbaahintaa ka gaabiyay mise haweenka laftooduu ka yimu? Hablaha saxaafaddu ma tiro yaro, tayo ahaana way wanaagsanyihiin, hadana marka raga loo eego waxay ku yihiin faro-guudkood. Intii saxaafaddu shaqaynaysay habluhu way ka shaqeynayeen, laakiin waxaynu isweydiinaynaa ..

Marwo Fahma waxay sheegtay in ururka WIJA wuxuu guud ahaan ka shaqeeyo saxaafadda, gaar ahaana ay xooga saaraan haweenka, sidoo kale arrimaha bulshada, sida haweenka, carruurta iyo baahiyaha jira. Waxaanay u mahadnaqday hay’adda NED oo wada-shaqayn fiicani ka dhaxayso.

 

Axmed Ismaaciil Xuseen; Agaasimaha wakaallada wararka Somaliland ee SOLLA, ayaa sharaxaad ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay warbaahintu soo martay iyo heerarkii doorka haweenku ku lahaayeen,  “Bilowgii saxaafadda may jirin wax haween ah oo hay’adihihii koobnaa ee warbaahinta ka shaqaynayay, waa Ilaahay mahadii maanta in haween badani ka hawlgalaan hay’adaha warbaahinta ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxase muhiim ah sidii aynu u gaadhsiin lahayn meel sare.”ayuu yidhi Agaasimaha.

 

Agaasimuhu waxa uu qiray kaalinta soo xoogaysanaysa ee haweenka suxufiyiinta ah, waxaanu yidhi,  “Haweenku way ku yaraayeen warbaahinta, maantana waxa muuqata in barnaamijyo tiro badan ay barnaamijyo badan oo aad loo xiiseeyo soo saaraan. Laakiin kaalmihii kale ee looga baahnaa weli kama muuqdaan, iyagoo aqoonteediina lehmana jiro wax ka hortaagan in haweenku samaysan karaan.?

Agaasimuhu waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan soo dhawaynayaan kobcinka haweenka saxaafadda Somaliland.

Madaxa mashaariicda WIJA, Ayaan Cabdirisaaq Jaamac oo furitaankii dood-cilmeedkan ooh al maalin ah ka hadashay, ayaa ku boorisay haweenka saxaafadda ku jiraa inay dedaal iyo karti dheeraada la yimaadaan, si ay himiladooda u gaadhaan.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com