Masar oo sheegtay inaanu Muqadas ahayn Heshiiskii dhexmaray dalka Masar 1967-kii ee ka dhacay Camp David

Qaahira, (Berberanews.com/W/Wararka):- Raysal Wasaaraha dalka Masar Mr. Casaam Sharaf ayaa sheegay in heshiiska dalkiisa iyo Israel u dhexeeya ee lagu magacaabo, Camp David Peace aanu ahayn wax muqadas ah oo aan la taaban karin sida dad badan aaminsan yihiin, balse uu yahay mid wax ka badal lagu samayn karo, waayo? Wakhtiga heshiiskan la galay ayaaba ahayd buu yidhi xili aad u fog.

Raysal wasaare Casaam Sharaf oo hadalkiisan ka sheegay waraysi uu siiyay telefishanka dalka Turkiga isla markaana si rasmi ah looga sii daayay warbaahinta dalka Masar, ayuu Raysal wasaaruhu si wayn diirada ugu saaray heshiiskii dalkiisa iyo Israel kala saxeexdeen sanadkii 1979-kii ee lagu galay goobta loo yaqaan Camp David ee dalka Maraykanka, kaas oo uu xusay in haddii aan marba wax ka badal lagu samayn oo aan isku miisaanaantiisa la eegin ay caddaaladd daro tahay gobolkana aanay u fiicnayn, sidaa daraadeed ay tahay buu yidhi in mar walba dib loo eego oo aanu Muqadas ahayn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka raysal wasaaraha Masar oo u muuqday kii ugu adkaa ee tan iyo intii ka danbaysay heshiiskaas uu masuul ka tirsan dalka Masar ku hadlo ayaa laga dareemayay inuu la jaan qaadayo xaalada gudaha dalka Masar ka jirta iyo cadhada dadweynuhu ka qadeen dilkii ciidamadda Israel bishii hore ku dileen xubno ka tirsan ilaalada xuduud ee dalka Masar, ka dib markii sida Israel sheegtay ay isla soo galeen kooxo ay caydhsanayeen oo weeraray deegaanka Ilaat ee dalka Masar.
 
Dhinaca kale jimcihii hore ee aynu soo dhaafnay ayaa kooxo Masaari ah oo cadhaysani waxay hareereeyeen ka dibna weerareen safaarada Israel ku leedahay magaalada Qaahira, waxa kale oo tan iyo intii ka danbaysay dilkii askarta Masaarida soo baxayay dhawaaqyo xoogan oo dadka reer Masar ku dalbanayeen in gabi ahaan-ba la laalo heshiiskii Camp David Peace oo Masaari badani aaminsan yihiin inaanu caddaalad ku fadhiyin oo uu u xaglinayo dhinaca Yuhuuda.
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com Reporter
Daralla066@gmail.com