Wasaaradda Waxbarashada oo ku Dhawaaqday Imtixaanka Shaahidiga iyo Magacyada Ardayda u Sarreysay Dugsiyada Sare iyo Dhexe

Hargeysa- (Berberanews)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedkii 2010/2011ee Fasalada 8-aadka afraad.
Natiijada oo ay si wadajir ah ugu dhawaaqeen Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka.
Wasiirka Samsam oo ka hadashay shirkaa jaraa’id ayaa sheegtay in arday gaadhaysa toban kun todoba boqol iyo kow iyo toban arday ay u fadhiisteen imtixaanka fasalada 8-aadka ee guud ahaan Somaliland, kuwaas oo 9571 ka mid ahi ay gudbeen tiro u dhiganta 89%, halka ay 892 arday ay dhaceen oo u dhiganta 8.7%.
Wasiirku waxay xustay in 248 arday ay siyaabo kala duwan uga habsaamen imtixaankaas oo aanay galin tiradaas oo udhiganta 2.3%.
Marwo SamSam Cabdi Aadan waxay sheegtay in imtixaanaadka fasalka afraad ee dugsiyada sare ee Somaliland ay u fadhiisteen shan kun oo arday, kuwaas oo badankoodu gudbeen.
Haddaba, waa kuwan magacyada, darajada iyo gobollada tobanka arday ee ugu sarreeya dugsiyada sare ee dalka;
Dugsiga Magaca Darajadda iyo Gobolka
1. Ilays: Nasra Jaamac c/laahi Bulxan 735 Maroodijeex
2. Nuuradiin: MustafeMaxamed Awcali Cismaan 718 Maroodijeex
3. Ilays: Muniira Maxamed Axmed C/laahi 717 Maroodijeex
4.26 June Xamse Carab Cali Xasan 691 Maroodijeex
5. 26 june C/naasir C/ramaan Xaashi Caalin 689 Maroodijeex
6. Ilays Muna C/laahi Maxamed Axmed 689 Maroodijeex
7. Bali Gubadle Xasan Muuse Cismaan Jaani 686 Hawd
8. Ilays. Faadumo Maxamed Ismaaciil Cabdi 685 Maroodijeex
9.M.A.Cali Maxamed Xuseen Maxamed Faarax 679 Maroodijeex
10. Ilays Nimco Saleebaan Cali Kooshi 670 Maroodijeex
Tobanka arayda ee ugu sarreeya fasalada 8aad ee dugsiyada hoose/dhexe
Dugsiga Magaca Darajadda Gobolka
1 sh.M.Warsame: Sahra Awciise Jaamac Qaalib 558 Maroodijeex
2 Gesska Afrika: C/raxmaan Axmed Yuusuf adan 552 Maroodijeex
3 Odey(Sheekh): Hodon maxamed C/laahi Ciise 543 Saaxil
4 Sh.c.Cismaan: Barkhad Mustafe Siciid Xirsi 547 Maroodijeex
5. Sh.M.Warsame: Mawliid Muxumed Hanfi Liibaan 547 Maroodijeex
6. Surad: Ismaaciil Axmed Warsmae Maxamed 547 Sanaag
7. Abyan: C/naasir C/laahi Faarax ibraahim 547 Sanaag
8. Nuraadiin Primary Maryan Maxamuud Maxamed Cigaal 546 Maroodijeex
9.Alkheyr Ubax C/raxmaan Axmed Cabdi 546 Maroodijeex
10.H.A.A Good Khaalid Xirsi Maxamed Caddare 546 Maroodijeex