11-ka September : Maalin Murugo Iyo Baroor-diiqi Hadhaysay Maraykanka, Madaxweyne Asad Iyo Qoyskiisuna Farxad & Damaashaad Ku jiraan!!

Washingtone, (Berberanews.com):- 11-September waxay meelo badan oo dunida ah gaar ahaan dalka Maraykanka ka tahay maalin murugo xanuun badan xambaarsan. Sida aynu in badan oo inaga mid ahii la socotana tobankii sanadood ee u danbeeyay dalka Maraykanka iyo xulafadiisu waxay maalintaa ku xusaan, dareen iyo xusuus murugo leh.

Haddaba xuska maalintan ayaa dalka Suuriya ka hor intaan kacdoonku ka bilaabmin ka mid ahayd maalmaha sida wayn looga dabaal dego, ee xusuus farxadeed xambaarsan. Laga soo bilaabo 11-september 1965-kii waxaa aqalka looga taliyo dalka Suuriya iyo inta badan goobaha lagu kulmo maalintan looga xusi jiray maalin farxadeed.

 

Haddaba waxa is waydiin leh maalintani maxay u tahay dalka Suuriya, maxayse macno ugu fadhidaa? 11-kii September 1965-kii waxa dhashay madaxweynaha dalka Suuriya ee xiligan Bashaar Al-Asad, oo wakhtigaa ahaa mid ka mid ah caruurta madaxweynihii ka horeeyay ee Aabaha u ahaa Xaafid Al Asad. Laga bilaabo maalintaa waxay dalka Suuriya u ahayd maalin laga xuso oo looga dabaal dego, laguna maamuso maalinta dhalashada Madaxweyne Asad. Bashaar Al-Asad wuxuu ku barbaaray dugsigii hoose iyo dhex ku qaatay, Mac-hadka Xoriyada ee magaalada Dimishiq, ka dibna wuxuu ka baxay jaamacadda Dimishiq oo uu ku bartay aqoonta dhakhtarnimada gaar ahaan dawaynta xanuunada indhaha oo uu si gaar ah ugu takhasusay.

 

Ka hor intaanu noqon madaxweynaha dalka Suuriya waxa uu waxbarasho ku soo qaatay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska. Sanadkii 2000 ayuu Bashaar Al-Asad Guursaday xaaskiisa oo lagu magacaabo Asma Bintu Akhraz oo ah gabadh aabaheed iyo hooyadeedba Suuriyaan yihiin, laakiin ku dhalatay waxna ku baratay magaalada London, haweenaydan ayaa ku takhakhustay arrimaha dhaqaalaha iyo bangiyada. Sanad ka dib waxa u dhashay ilmihii koowaad oo ah wiil kaas oo uu ugu magac daray, Xaafid magacaas oo ahaa kii awoowgii.

Ka dibna sadexdii sanadood ee ku xigay ayay u kala dhasheen laba hablood. Hasa yeeshee wixii ka danbeeyay sanadkii 2004-tii ma jirin wax caruur ah oo qoyska madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad u dhashay, lamana garanayo sababta, hasa yeeshee waxay dad badani sheegaan in markii tirada caruurtiisu gaadhay inta qoyskooda inuu iska joojiyay dhalmada.

Faysal Maxamed Xasan

Berberanews.com Reporter

Daralla066@gmail.com