Qadaafi Oo Nidar Ku Maray Inuu Dagaal Adag La Gali Doono Kooxaha Xukunka Ka Qabsaday Sheegayna Inuu Libya Joogo

Libya, (Berberanews.com):- Hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar Al-Qadaafi ayaa mar kale cadeeyay in uu Libya ku sugan yahay, isla markaana nidar ku maray in dagaal adag uu la gali doono, kooxaha mucaaridka iyo gaashaanbuurta NATO ee isku kaashaday burburinta maamulkiisi sida uu hadalka u dhigay.
 
Colonel Qadaafi oo telefishan ku yaala dalka Suuriya oo lagu magacaabo AlRayi uu waraysi khadka telefoonka kula yeeshay, ayaa sida telefishankaasi sheegay wali ku sugan dalka Libya gudihiisa, wallow aan la magac dhabin meesha uu ka jooga dalka. Haddana waxa uu waraysigaas ku sheegay in ciidamadiisi milatarigu dib isku habaynayaan, jab iyo baaba’na ay u gaysan doonaan kuwa dalka qabsaday.

Qadaafi ayaa si kulul u beeniyay inuu u baxsaday dalka Nayjar, isla markaana ka hadlay kolonyo gaadiid ah oo la sheegay in ay Nayjar u talaabeen oo uu ka mid ahaa ama ku sii dhex dhuuntay, taas oo uu ku tilmaamay wax mar kasta dhaca oo isu socodka dalalka jaarku yahay mid caadiya, laakiin ay isku madadaaliyaan NATO iyo mucaaridka dalka qabsaday oo ka dhigta dacaayad ka dhan ah maamulkiisa.
 
Hogaamiyaha baxsiga ku jira ee dalka Libya Colonel Qadaafi waxa uu sidii caadadda u ahaan jirtay ku cel celiyay in dagaal qadhaadh ay la gali doonaan waxa uu ugu yeedhay cadowga Libya ku soo duulay, waxaanu sheegay in is abaabul xoog leh ay ku jiraan, dhalinyarada reer Libya oo ay bilaabi doonaan sidii jab iyo hoog loogu gaysan lahaa mucaaridka iyo NATO.
 
Dhawr maalmood ka hor ayuu afhayeen u hadlay Qadaafi sheegay in hogaamiyahoodu ku sugan yahay Libya xaaladiisuna aad u sarayso oo aanay jirin wax ku kalifa baxsi uu dalka kaga baxo, sidoo kale dawlada Nayjar ayaa beenisay warar sheegayay in Qadaafi dalkeeda ku sugan yahay oo uu magan galyo waydiistay.
 
Kooxaha Mucaaridka ee talada dalka Libya la wareegay ayaa dhawr cisho ka hor wafti u diray dalka Nayjar si ay ugala xaajoodaan in aan Qadaafi dalkooda u soo baxsan ama aanay magangalyo siin dawladda Anjamino oo aad loo tuhunsan yahay inay u hayaan ixtiraam badan hogaamiyihii hore ee dalka Libya. Warar kale oo laga helayo gudaha dalka Libya gaar ahaan magaalada Bin Waled ee ciidamadda mucaaridku ku hareeraysan yihiin ayaa sheegaya in wiilka uu dhalay Qadaafi ee Sayful Islaam maalintii salaasadii lagu arkay gudaha magaaladaas isagoo si xoriyad leh u dhex lugaynaya.
 
Hadalka Qadaafi ee laga baahiyay telefishanka taageera ee AlRayi oo xaruntiisu tahay magaalada Dimishiq ee xarunta dalka Suuriya ayaa ku soo beegmaya xili garsooraha guud ee maxkamadda Caalamiga ah ee dunidda Akampo uu soo saaray saman cusub oo booliska aduunka “Interpol.” Uu kaga dalbanayo inay soo qabtaan Qadaafi.
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com Reporter
Daralla066@gmail.com