Maxaad Kala Socotaa Shuruudihii Qadaafi ku Qoran Jiray Hablihii Ilaaladiisa Gaarka ahaa?

Tripoli, (Berberanews.com):- Colonel Caa’isha Cabdi Salaan Sayid Cali oo ka mid ahayd saraakiisha sar sare ee ciidamaddii ilaalada u ahaa hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar Al-Qadaafi ayaa waraysi ay siisay jariirada DNA (Daily News and Analysis) oo ka soo baxda dalka Hindiya, kaga warantay waxyaabo badan oo shaqadeedi askarinimo, sidoo loo xushay iyo waxyaabaha ay qaban jireen la xidhiidha.

Sarkaaladan oo wakhtiga waraysiga laga qaaday ku sugnayd xarun ciidamadda Mucaaridka dalka Libya leeyihiin oo ay maxbuux ahaan ugu jirto. Ayaa ugu horayn ka warantay sidii goobta ay ku xidhan tahay ay ku timi, waxaanay tidhi, “Dhawr cisho ka hor ayaa la igu soo qabtay dagaal qadhaadh oo u dhexeeyay ciidamadayadii iyo kuwa mucaaridka ah, dagaalkaas oo ay ku dhinteen dad badan oo aan muddo soo wada shaqaynay iyo kuwa aan aad isugu dheerayn.”

 

Intaa ka dib waxa haweenaydan la waydiiyay xiligii ay shaqada gashay iyo wixii shuruudo lagu xidhay ama guud ahaan lagu xidhi jiray hablaha kale ee dhigeeda ah ee ka midka noqonaya ciidamada ilaalada Qadaafi, waxaanay tidhi, “Waxaan ilaalada hogaamiyaha ka mid noqday sanadkii 1984-kii, ilaa xiligaasna waan ka tirsanaa, maan guursan oo xaas looma ogola hablaha ilaalada ka tirsan, waxaa la siin jiray tababar adag, shuruudaha ugu badan ee hablaha ka midka noqonaya ciidanka lagu xidhi jiray waxay ahayd, inay tahay gabadh dheer oo laf leh, xaga quruxdu may ahayn wax sidaa u sii wayn.”

Colonel Caa’isha Cabdi Salaam oo la waydiiyay sababta Qadaafi ilaaladiisa uga dhigan jiray dumar, ayaa sheegtay in taas ujeedada ugu badan ee uu ka lahaa ay ahayd, sidii aduunka uu ugu muujin lahaa in haweenka reer Libya haystaan xuquuq la siman ta raga oo kale shaqo kastana ay qabtaan. Sidoo kale ayay ku tilmaantay hawsha ay qaban jireen inay ahayd mid adag, imikana dareemayso sidii qof dhakhtarka xanuunka dhimirka ka soo baxay oo kale.

Tirada hablaha caadiyan u raaci jiray Qadaafi ama la safri jiray ayay sheegtay inay dalka gudihiisa ahaan jireen, sadex halka safarada dibadana ay ku wehelin jireen ilaa afar hablood. Sida ay ku warantay gabadhani had iyo jeer waxa safka hore ku jiray, hablaha dhaadheer ee xitaa marka ay Qadaafi daba istaagaan aad uga madaxa fiiqan. Sida ay shaqadan u arkayeen iyo kalsoonida ay ku qabeen iyadoo ka hadlaysa waxa ay tidhi, “Aad baan u jeclayn, waxaan u arki jirnay inay tahay shaqo sare, waxaanu ahayd cida ugu dhow hogaamiyaha, waxaan lahayn mushahar badan, tixgalin dheeraad ah, qadarin balaadhana wadanka waanu ku lahaan jirnay.”

Colonel Caa’isha Cabdi Salaam ayaa xustay in aan is qurxin badan loo ogolayn, fasaxooduna aad u yaraa. Adkaysiga iyo waxyaabaha ay raga kaga marmeen mar la waydiiyay ayay sheegtay in gabadh kasta oo ciidanka ka tirsani ku soo biirtay iyadoo aad da’deedu u yar tahay, sidaa daraadeedna aanay wax badan oo fikir ah aanay ka haysan arrimaha guurka iyo lamaanaha, waxaanay si adag u beenisay in la siin jiray dawooyin hamadda kala dagaalama iyo waxyaabo la isku ilowsiiyo guurka.

 

Faysal Maxamed Xasan

Berberanews.com Reporter

Daralla066@gmail.com