Ruushka: Diyaarad Siday Kooxaha Ciyaarta Barafka Ice Hockey Team Ee Ruushka, Sweden iyo Slovenia Oo Burburtay

Moscow, (Berberanews/W/Wararka):- Kooxaha gurmadka deg dega ee dalka Ruushka ayaa ku hawlan samata bixinta iyo baadi goobka loogu jiro in dad ka bad baaday la helo diyaarad kuwa rakaabka ah oo ku burburtay gobol waqooyi galbeed ee magaalada Moscow ku yaala maanta.
 
Sida wakaaladaha wararka dunidu ku waramayaan diyaaradan oo siday kooxda ciyaarta barafka lagu dul ciyaaro (Hockey-da) loo yaqaan ee dalka Ruushka ayaa burburtay daqiiqado yar ka dib markii ay ka haaday madaarka ku yaala magaalada Yaroslavl kaas oo kaabiga ku haya wabiga Volga River oo 220-mayl dhinaca waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda dalka Ruushka ee Moscow.

Sida wararka laga helayo degaanka shilkani ka dhacay ee dalka Ruushku muujinayaan tiro aad u yar oo dadkii saarnaa diyaaradaas ayaa nolol lagu helay, waxaana loo malaynayaa in diyaaradaas oo ay saarnaayeen, 37-qof oo rakaab ah iyo 8-qof oo shaqaalaheedi ah ay ku dhinteen ugu yaraan 35-qof, inkastoo wali lagu jiro baadi doonka dadkii diyaarada saarnaa raq iyo ruux midka lagu helaba.
 
Diyaaradan ayaa sida masuuliyiinta degaanka ay ku burburtay sheegeen dab ka kacay wax yar ka dib markii ay ka haaday madaarka, waxaana intaanay dhicin dad goob joog ahaa arkayeen diyaarada oo xageeda danbe dab wayni ka hol cayo, waxa kale oo jira warar sheegaya in qarax la maqlay ka dibna dab wayni ka kacay diyaarada xageeda danbe.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Yak-42 ayaa warar danbe oo laga helayo wasaarada duulista hawada ee dalka Ruushku sheegayaan in rakaab boqol ku dhowi saarnaayeen hal qofna ka badbaaday, kaas oo dhaawac culus qaba. Sida kooxaha gurmadka deg dega iyo wasaarada duulista hawada ee Ruushku tilmaamayaan waxa rakaabka diyaaradaasi dhamaantood ahaayeen ciyaartoyga ciyaarta barafka lagu dul ciyaaro ee Hockey-da gaar ahaan kooxda dalka Ruushka ee lagu magacaabo “Lokomotiv ice hockey team” oo ka soo laabanayay magaalada Yaroslavl.
 
Ciyaartoyga dhintay ayaa waxa kale oo ka mid ahaa kuwo u dhashay dalalka Jarmalka, Sweden, Slovakia iyo Ruushka, waxaanay sida xogaha laga helayaa tilmaamayaan ay noqonaysaa khasaarihii ugu waynaa ee soo gaadhaa ciyaar yahanada Hockey-da oo ah ciyaar barafka dushiisa lagu ciyaaro aadna looga jecel yahay dalalka Ruushka iyo Waqooyiga Yurub gaar ahaan dalalka Scandinavian-ka loo yaqaano.
 
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com Reporter
Daralla066@gmail.com