Gaalkacayo: Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo dhexmaray ciidanka ammaanka iyo malleeshiyo hubaysan

Gaalkacyo:-dagaal maanta kaqarxay magaalda gaalkacyo oo dex maray ciidamada amniga iyo maleeshiyo kooxeed‏

Gaalkacyo:(Bereranews)-Dagaal Culus oo dabasocda Israsaaseyn dhexmartay ciidanka Puntland iyo maleesho hubaysan, ayaa maanta ka dhacay  Badhtamaha suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo tan iyo duhurkii  si kulul uga soconayey qaybo kamid ah suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo Iyo Galbeedka.

a  kaasoo imika ay ka qaybgalayaan Ciidamo xoogan oo kamid ah Laamaha hubaysan ee Puntland Iyo Malayshiyaad aan weli si rasmi ah loo xaqiijin Cida ay yihiin Iyo Xisbiga ay taabacsanyihiinba.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib Markii Saaka Ciidamo kamid ah kuwa Amaanka ee gobolka Mudug uu Dagaal ku qabsaday suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo kadib markii ay isku dayeen inay soo qabtaan Nin  kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya islamarkaasna ay ciidamada Amaanku isku dayeen Inay xarun ganacsi oo uu ku leeyahay Suuqa Magaalada Gaalkacyo gaar ahaana Agagaarka barxadaweyn ee Suuqa Gaalkacyo ka soo kexeeyaan, ka dib markii la tuhmay oo ay Saraakiisha Amaanku ay sheegeen in baadhitaan lagu samaynay.
Dagaalkii hore ee barqadii ayaa la sheegey inuu qarxay kadib markii ciidamada Amaanka oo howlgalo  ku gudajira ayaa Malayshiyo weerar culus ku qaaday kaasoo ay ku dhaawacmeen Dhowr Askari  iyadoo ay jiraan Dad shacab ah oo weerarkaas ku dhaawacmay halka ugu yaraan Afar ruux oo kale ay iskahorimaadkaas ku dhinteen.
Weerarkii saaka kadib ayaa Ciidamo xoogan oo kamid ah kuwa Puntland ayna kujiraan Dabaabaadka dagaalka ee Laanta hubaysan ee Nabad Sugida Puntland ay weerar ku qaadeen halkii uu maanta dagaalku ka dhacay, Waxaana halkaas laga maqlayey Hubka Madaafiicda Goobtu ay kujiraan iyadoo ay jiraan Dad badan oo ay kujiraan ciidanka PSF-ta ee Laanta hubaysan ee Puntland oo iyagu weerarka qaaday iyo Kooxdii la dagaalamaysayba.
waxaa uu joogsamaday dagaalkii u dhaxeeyey labada dhinac ciidamada iyo maleeshiyada galabta goor dambe waxaana ladareemayaa xoogaa xasilooni ah 
Waxaa xusid mudan in iska horimaad saaka ka dhacay isla xaafadaasi uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac iyadoo dadka dhaawacmay uu ku jiro Taliye xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/dhexe Maxamed Jaamac Maxamuud (Beergeel)
wakiilka deegaamda putland
Maxamed C/qaadir Dacar
dacaryare22@hotmail.com 
berberanews