60 qof oo ku naf waayay Qarax ka dhacay xarunta QM ee Abuja


Anuja-(Berberanews/bbc)- Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay qarax bam oo lala beegsaday  dhismaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada Abuja ee caasimadda waddanka Nigeria.
Waxa kale oo qaraxan ku dhaawacmay  60 qof oo xaadoodu liidatyo, ayaa la dhigay cisbitaal ku yaal Abuja, waxaannuu cisbitaalku codi u jeediyay dadku inay dhiig ugu deeqaan.

Kooxda Islaamiyiinta ee Boko Haram, ayaa sheegatay in ay mas’uul ka ahayd weerarka.
Qofka qaraxa sameeyay ayaa la arkayay isaga oo baabuur la soo galaya dhismaha Qaramada Midoobay ka hor intii aanu dhicin.
Qaraxa ayaa burburiyay muraayadaha dhismaha oo shan dabaq ah, oo qeyb ahaanna ay xafiisyo ku leeyihiin safaaradaha ajnabiga.
Wasiirka arrimaha dibedda Nigeria oo booqatay qoogbta qaraxa ayaa sheegtay in qaranka Nigeria oo dhan uu naxsan yahay, kana argagaxsan yahay dhacdadan naxdinta leh, wana cambaareyneynaa arintan, ayay tiri oo ay aaminsan tahay inay qaadeen aragagxiso aan tabarlahayn oo fulyayiin ah.
Xoghayaha guud ee qaranadda Midoobay oo ka hadlay falkan argagaxa leh, ayaa ku ku tilmaantay weerarka lagu qaaday dhismaha Qaramada Midoobay inuu la micno yahay weerar beesha caalamka lagu qaaday, isagoo tilmaamay in xaruntan ay ku jireen 26 hay’adood oo ay ka sahqeeyaan illaa 400 oo qof.
Xoghayuhu waxa uu sheegay inuu si deg dega ku-xigeenkiisa ugu diri doona Nigeria, isagoo xusay in weerarkani yahay kuu ugu danbeeyay weeraro isdaba jooga oo tobankii sanno ee u danbeeyay lagu qaadayay xarumaha qaramada midoobay