Muqdisho: Al-shabaab Oo Toogasho ku fuliyay dhallinyaro

Muqdisho-(Berberanews)- Kooxda laga itaalka roonaaday ee Al-shabab, ayaa maanta dil toogasho ah ku fuliyay saddex dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo Kenta.

Dilkan oo ka dhacay xarunta degmada Dayniile oo ay suganyihiin unnugyo ka mid ah Al-shababaab oo inta badan laga caydhiyay Muqdisho, waxa Garsooraha Maxkamadda Al-shabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Cumar sheegay in laba ka mid ah dhallinyarada oo lagu kala magacaabo Cabdi Bakaal Macallin iyo Xuseen Maxamed C/llaahi laga soo qabtay magaalada Muqdisho, una  basaasayeen dawladda ku-meel-gaadhka ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Ibraahim Maxamed Cabdi oo isna laga soo qabtay  Degmada Saakow uu ahaa jaajuus u shaqeynayay dowladda Kenya, isagoo sheegay in saddexda ruux ay qirteen dambiyada lagu soo oogay.

Intaas kaddib ayaa waxaa goobta lagu toogtay saddexdii dhallinyarada ahaa oo da’doodu u dhaxaysay 30 illaa 25 jir waxaa toogashada ku fuliyay unnug dhallinyaro u gaara dilalka macno-darada ah ee Al-shabaabku u geystaan shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Al-shabaab Sheekh Abuu-Cabdiraxmaan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in qof wkasta oo lagu helo dambigan oo kale uu la kulmi doono ciqaabtan oo kale, isagoo sheegay inay ugaadhsan doonaan kuwa u jaajuusanaya DFKMG ah iyo dalalka kale.

Berberanews.com

Muqdisho, Somalia

Email, info@berberanews.com