Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka oo toddobaad gudihii markii labaad ka hadlay Qiimaha Shidaalka ee dalka Oo Gaadhay halkii ugu sarraysay abid

Berbera-(Berberanews)- Maareeyaha Haamaha keydka shiidaalka berbera Dr Cismaan Cabdi Barkhadle (Dr Shiine), oo madaxweyne silaanyo u magacaabay xilkaas, ka dib markii xukuummadu caydhisay shirkaddii gacanta ku haysay maamulka haamaha ee TOTAL.
 
Maareeyaha Haamaha keydka Shiidaalka Berbera Dr Cismaan Cabdi Barkhadle ( Shiine) ayaa toddobaadkan gudihiisa markii labaad shalay ka hadlay Qiimaha ay Kaalmaha dalku ku iibiyaan Shidaalka, isla markaana wax auu ugu baaqay in la jabiyo Sicirka noocyada Shidaalka ay ku iibiyaan oo cirka isku shareeray tan iyo intii loo gacangeliyay maamulka haamaha shiidaalka Berbera, iyadoo halka litir ee baatroolka ah qiimuhusu marayo sl/sh 6600 Somaliland shilin (lix kun iyo lix boqol), taasoo ka dhigaysa inuu gaadhay halkii ugu xumayd ee uu gaadho.
Dr. Shiine oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Berbera waxa uu sheegay inay tallaabooyin horumar ah qaadeen mudada uu xilka hayay, kuwaasoo ay ka mid yihiin dayactir ay ku sammeeyeen qaybo ka mid ah xayndaanbka ku wareegsan haamaha iyo iridaha bixitaanka iyo gelitaanka oo wax laga qabtay, isagoo ku faanay inay  haamuhu ka raysteen Total oo ay iyagu uga reeyeen.

Dr. Shiine Cabdi Barkhadle oo faaffaahinaya waxa uuq abtay mudadii uu xilka haya waxa uu yidhi,  “Waxa aanu wax badan ka qabanay dhamaan adeegyadii haamaha Keydka shiidaalka iyada oo haamahana uu imika shiidaalkii ugu badnaa ku jiro,  wax shiidaaal yari ahna  aanan ka baqeyn ilaa bilaha oo socda.  waad arkaysaan oo waxa shaqo imika laga wadaa albaabkii haamaha laga soo gali jiray oo runtii iska jilicsanaa. waxa kaloo aanu halkii ay aheyd ku ilaalinay adeegyadii dhinaca shaqaalaha haamaha oo aan odhan karo imika ayaabay ka shaqo wanaagsan yihiin sidii hore, waxa kaloo iyana aanu qorsheynaynaa dhismaha wado aan aheyn mid ka sameysan Daamur ee ah sabad oo aanu sameynteeda kasoo qaadeyno kaaga booyadaha lagaga dhaamiyo shiidaalka ilaa aqalka madaxtooyada ee wajahada haamaha kuyaala oo  badbaado u ah booyadaha shiidaalka.”
 
Maareeyuhu waxa uu sheegay in ganacsatada shiidaalka kala soo degta haamuhu ku qanacsanyihiin shaqadooda, kana raysteen maamulkii Total “Dadka shiidaalka ka ganacsada oo iyagu imika mabsuud ku ah adeega aanu uhayno iyaga oo aad uga reystay nadaamkii hore ee haamaha maamuli Jiray wada shaqeyn wacnina naga dhexayso idinka qudhiinu hadaad dadkaa macaamiisha ah aad la xidhiidhaana waad ogaan kartaan.”
 
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com