Boqorka Sucuudiga oo dhagax dhigay mashruucii ugu waynaa abid ee lagu balaadhinayo Masaajid Xaramka Barkaysan ee Makka

Makka, (Berberanews/Okad):-Boqorka Dalka Sucuudi Arabiya Amiir Cabdalla Bin Cabdi Casiis Aalla Sucuud ayaa dhagax dhigay jimcihii shalay mashruuc aad u wayn oo lagu balaadhinayo masaajidka Barkaysan ee Makka Al Mukarama, kaas oo suura gal ka dhigi doona in mar kaliya malaayiin ruux ku tukan doonaan gudihiisa.
 
Mashruucan oo lagu sheegay inuu yahay balaadhintii ugu waynayd ee abid lagu sameeyo masaajidka Xaramka Makka ayaa la sheegay in tobanaan Bilyan oo lacagta dalkaas ahii ku bixi doonto. Waxa uu yahay mashruucani mid lagu balaadhinayo qaybta dawaafka ee kabcada ku wareegsan oo laga dhigi doono 4-kun oo mitir oo dhinaca galbeed iyo bari loo balaadhinayo.

Dhismayaal dhaadheer oo Masaajidka Barakaysan ee Xaramka ku dhawaa ayaa dhulka la dhigi doonaa, waxaana ka hawl gali doona shaqaale konton kun lagu qiyaasay. Masuuliyiin u hadlay wasaaradda xajka ee dalka Sucuudiga ayaa sheegay in firkadda Mashruucan uu leeyahay Boqorka dalkaas oo muddo dheer ku taamayay.
 
Balaadhinta wareega Kabcada iyo meelo kale oo ka mid ah xaramka Makka ayaa culimadda waaweyn ee Islaamku dhawr sanadood ka hor fatwo ku soo saareen inay banaan tahay, laakiin ay waajib tahay in la kala ilaaliyo oo aanay is gaadhin meelaha marka la xajayo la dawaafo, ama la ordo iyo goobo kale oo ka mid ah arkaanta xajka.
 
Dr. Cabdullaahi Bin Maxamed Aalla Sheekh oo ah guddoomiyaha gudida Shuurada ee dalka Sucuudiga ayaa wakaaladda wararka ee dalkaas u sheegay in laga bilaabo jimcihii shalay magaaladda Barakaysan ee Makka Al-Mukarama yeelan doonto waji cusub oo taariikhdeeda ku soo kordha, taas oo khayrkeeda iyo dedaalkeedana uu leeyahay boqorka Sucuudigu ayuu yidhi ninkaas oo ka hadlayay balaadhinta lagu samaynayo masaajidka barkaysan ee Xaramka Makka Al-Mukarama.
 
Boqortooyadda Sucuudiga ayaa marar badan tan iyo intii dalkaasi boqortooyadda noqday Masaajidka xaramka ku samaysay balaadhin iyo casriyayn mar kasta la jaan qaadayay tiradda xujaajta muslimiinta ah ee booqda Guriga Alle iyo casriga lagu jiro.
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com