“Waxaanu u aragnay in maalgashiga Shiinuhu yahay mid laysku halayn karo oo uu dalkeena horumarkiisa gacan weyn ka geysan karo…” Wasiirka Arrim Debeda

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska maalgashi ee weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo la soo galeen Shiinaha.
Dr. Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay in heshiis maalgashi ah oo salka ku haya horumarinta lagu samayn doono dekedda Berbera iyo kaabashaal dhaqaale oo waddooyin ka mid yihiin ay si gooni ah Somaliland ula soo gashay shirkado Shiine ah oo degan magaalada Hong-kong.

“Waxa weeye sida laga warqabo Shiinaha iyo Somaliland waxa in muddo ahba u socday wadahadal ku saabsan sidii maalgashi dalka loogu heli lahaa khaasatan kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay waddooyinka iyo dekaddu ka mid tahay. Safarkan uu Madaxweynuhu ku tagay Shiinaha waxa ugu weyn ee laga hadalayay waxay ahayd sidii heshiis hordhac ah oo guud looga gaadhi lahaa iskaashigaasi. Waxaana arrimaha laga wada hadlay ka mid ahaa sidii uu caddeeyay Madaxweynuhu waxa kalinta ugu horaysa ku jirta ballaadhinta iyo casriyaynta dekadda Berbera. Somaliland dekada Berbera waxay u aragtaa inay ka mid tahay kaabeyaasha dhaqaalaha waxaana loo baahan yahay si ay u hanato suuqaasi weyn ee Geeska Afrika oo ay isticmaali karaan dad ka badan hal Malyan oo qof, waxay u baahan tahay in la casriyeeyo oo la balaadhiyo lana maal geliyo. Si dakhli iyo dhaqaale badan inooga soo galo.
 
Somaliland awood dhaqaalle oo ay ku dhisato mashruuca intaasi leeg malaha, taasi ayaa keenaysa in dunida lala shaqeeyo Shiinuhuna sida laga warqabo waa alameda imika ugu waaweyn ee maalgashiga ku sameeya waddamada soo koraya. Tusaale ahaan dalalka Itoobiya, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Kenyaba. Intaas oo dalba waxa maalgeliya dawladda Shiinaha.
Waxaanu u aragnay in maalgashiga Shiinuhu ay tahay wax la isku halayn karo oo uu dalkeena horumarkiisa gacan weyn ka geysan karo.
 
Wasiirka oo la waydiiyey in cidda damaanad qaadaysa hirgelinta heshiiskaasi maadaama aan Somaliland la aqoonsanayn, waxa uu ku jawaabay, “Iskaashiga iyo maalgashiga intaasi le’eg waxa damaanad qaadaya oo heshiiskan horudhaca ah saxeexday dawladda Somaliland, heshiiskani waxa uu dhexmaray dawlada Somaliland iyo maalgashadeyaasha Shiine ah, dabcan dawladda Itoobiya waa dawlad aynu jaar nahay iskaashi baalladhan oo nabadgelyo iyo ganacsiba way inaga dhaxeeyaan. Mashaariicdan qaarkoodna waa qaar saamayn ku yeelanaya ganacsiga iyo dhaqaalaha Itoobiya.
 
Dekadeena Berbera waa dekad weyn marka la casriyeeyana waxa danaynaya dalal badan oo dhaafsiisan Itoobiya, markaa waanu la shaqeynayaa dhinacyada kala duwan haddii ay Itoobiya tahay iyo haddii tahay Koonfurta Suudaan in rakaab badan iyo baayacmushtar badani ku soo xidhmo dekada Berbera. Markaa waxa damaanad qaadaysa heshiiskan dawlada Somaliland aqoonsina kuma xidhna mana filayo in heshiiska aanu saxeexnay uu carqalad ku noqonayo aqoonsi la’aantu. Thiawan oo aan ictiraaf dunida ka haysani heshiisyo ayey caalamka la galaan halka Koonfurta Suudaan oo bishii hore xorowday waxa saliida u soo saara Shiinaha iminka dunida waxa lagu shaqaynayaa iskaashi iyo dhaqaalle.”
 
Mar la su’aalay Wasiirka cidda Somaliland heshiiska la saxeexatay inay tahay dawladda Shiinaha iyo inay tahay shirkado, waxa uu kaga jawaabay, “Marka laga hadlayo horumarinta dunida waxay cid waliba u xilsaartaa shirkado madax banaan dalkan aynu jaarka nahay ee Itoobiya waxa horumar ka socda waxa wadaa waa shirkado madax banaan. Dawladuhu maal ma laha ee waxa wax maalgashada shirkado ganacsi . Markaa waxaanu wada saxeexanay maalgashadeyaasha shirkadaha.”
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com