Hargeysa: Ururka Guddoon oo Muxaadiro Diini ah u Jeediyey Haween isugu Jira Wasiirro Xildhibaanno iyo Ururrada Bulshada

Hargeysa (Berberanews/jam)- Ururka waddaniga ah ee Guddoon, ayaa xalay hudheelka Maansoor ee  magaalada Hargeysa ku qabtay maxaadirooyin diini ah oo uu jeediyey haween isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo ururrada bulshada.

Intii aanay furmin muxaadirooyinkaa diiniga ah, waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha ururkaas Marwo Xamda Cumar oo faahfaahin dheer ka bixisay hadafka loo aasaasay ururka Guddoon oo ay sheegtay inuu yahay mid u taagan horumarinta aqoonta carruurta, dumarka, taakulaynta dadka jilicsan iyo wacyigelinta haweenka Somaliland sidii ay noloshooda ugu dabbaqi lahayeen diinta Islaamka, isla markaana lagu baraarujin lahaa muhiimadda diinta islaamku u leedahay nolosha aadanaha, waxay intaas ku dartay marwo Xamda in ururkoodu had iyo jeer gacan weyn ka gaysto aqoonta diinta ee haweenka iyo carruurta, iyagoo u sameeyey madaaris gaar ah oo ay wax ku baraan dumarka.

Wasiirka-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa iyaduna si weyn ugu mahad-naqday ururka Guddoon ee soo qabanqaabiyey muxaadiradan diiniga ah ee haweenka loo jeedinayo, iyadoo sheegtay inay wasaarad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan, waxaanay ururkan si weyn ugu ammaantay taakulayntay ka qataan dadka jilicsan.

Xildhibaan Faadumo Jaamac oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Guurtida,  ayaa sheegtay in ururkani yahay mid siyaasada ka madaxbannaan, iyada oo tilmaantay in uu yahay urur dar Ilaahay la isugu yimi, iyadoo ku boorrisay haweenka Somaliland inay ku dedaalaan sidii ay aqoontooda diiniga ah u dhisi lahaayeen.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay masuuliyiin kala duwan, kuwaas oo dhammaantood ka waramay qiimaha ay leedahay in la isku baraarujiyo diinta iyo cabsida Ilaahay, intaa kadibna waxay muxaadirooyinkii bilaabmeen afurka kadib culimada haweenka ah oo ay ka mid yihiin Hinda Cabdi Xasan, waxaanay halkaas ka jeedisay waanooyin ku saabsan Alle ka cabsiga iyo in dadku aakhiro u shaqaysto, markastana xasuusnadaan inay adduunyada ka tegi doonaan.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com