Xusni Mubaarik oo Sheegay in Bilowga Dacwadiisa bisha Ramadaan ay Xasuusisay del-delaadii Sadaam ee Ciida Carafo, Fariina u diray Madaxweynaha Suuriya

Qaahira, (Berberanews):- Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarik oo tan iyo intii xukunka lagaga riday kacdoonka shacbi, aan si toos ah warbaahinta ugu waramin ayaa maanta arbacadii , uu wariye ka tirsan wargeyska Gamhuuriya ee ka soo baxa dalkaasi la yeeshay xog waraysi dhinacyo badan taabanaya oo si hoos aad loogu dhigayo uga dhacay cusbitaalka uu ku jiro ee magaaladda Qaahira.
 
Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo ugu horayn wax laga waydiiyo sida uu arko, kacdoonadda ka socda dalka Suuriya iyo gumaadka xukuumadda Madaxweyne Asad kala hor tagtay dadka dibad baxyada samaynayaa. Ayaa fariin laga dhan-dhansan karo inay dayro iyo digniin tahay u diray, waxa uu Mubaarik yidhi, “Waxaan kula talinayaa Bashaar Al-Asad inuu ogolaado rabitaanka shacabkiisa, kuna waano qaato waxyaabaha gobolka ka dhacay, si noloshiisa iyo aakhiradiisu u hagaagtana madaxa hoos ha ugu dhigi shacbigiisa, haddii kale isaga iyo dalkiisu meel xun bay ku dhici doonaan, Iga qaado talada oo yeel waxa shacbigaagu doonayaan.” Ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarik.

Sidoo kale Mubaarik wuxuu ka hadlay Maxkamadaynta isaga iyo qoyskiisa lagu hayo, eedaymaha loo haysto iyo xaaladiisa. Ugu horayn isagoo ka hadlaya kacdoonkii shacabkiisu talada kaga tuureen, ayuu sheegay in uu ahaa wax rabitaankooda ka yimi, isna uu u hogaansamay oo aqbalay wixii ay doonayeen. Mubaarik wuxuu si kulul u beeniyay eedaymaha loo haysto iyo inuu amray dilka dadkii xukunkiisa ku mudaharaadayay, waxaanu dhaar ku maray in aanu danbi galin, “Wallaahi; waan hubaa in aan barri (Bilaa danbi) ahay, waana sababta aan dalka uga baxsan waayay ee aan wax walba u ogolaaday.”
 
Mubaarik oo ka hadlaya sida uu Maxkamadda la soo taagay u arko, ayaa yidhi, “Waan ku qanacsanahay anigaana ogolaaday, waana mid aan ku doonayo inaan ku cadeeyo in danbi aannan galin oo nadiif ka ahay.” Sida wariyaha ka tirsan Wargeyska Gamhuuriya ee dalka Masar uu sheegay Mubaarik wuxuu ka xumaaday wakhtiga lagu bilaabay maxkamadaynta oo ah bilowga Ramadaan, taas oo uu sheegay inay soo xasuusisay dacwadii lagu Qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq oo ku dhamaatay in maalin ciida carafe ah la deldelo.
 
Mubaarik ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay eedaymaha warbaahin badani dusha uga tuurto, isagoo mar kale dhaar ku maray in aanu qof qudha dilkiisa amrin, haddii uu gacan ku dhiigle yahayna dalka ka bixi lahaa. Ugu danbayntii Mubaarik wuxuu walaac wayn ka muujiyay go’aanka Garsooraha maxkamadda Sare ee dalkaasi ku amray in ilaaladiisi gaarka ahayd ee tan iyo markii uu xukunka ka degay wardiyaynaysay laga qaado, taas oo keentay in lagu reebo, hal nin oo sir doon sare ah, iyo ciidamo aan isaga ka amar qaadan oo dusha ka ilaaliya cusbitaalka uu ku jiro.
 
Sida wariyaha la kulmay sheegay Mubaarik waxa wakhtiga uu la kulmay la joogtay Ooridiisa Suusaan oo u ekayd qof isku qanacsan taageero badana la garab taagan odaygeeda.
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com