Maxkamad Ku Taala Tuuniisiya Oo Waxba Kama Jiraan Ka Dhigtay Eedaymaha Lagu Soo Oogay Taliyihii Ammaanka Madaxweynihii Hore Ee Dalkaas

Tunis- (Berberanews/AFP):- Maxkamad ku taala dalka Tuuniisiya ayaa burisay dacwad ka dhan ah taliyihii amaanka Madaxweynihii hore ee dalka Tuuniisiya Cali Saryaadi, oo mucaaridka dalkaasi ku eedeeyeen inuu xubno ka tirsan qoyska Madaxweynihii taladda laga tuuray ee dalkaas Sayn Caabidiin Bin Cali ay dalka ka baxaan isla markaana ay sii qaataan malaayiin lacag ah iyo alaabooyin qaali ah oo dheeman iyo dahab badani ku jiraan.

Maxkamadda oo in muddo ah dhegaysanaysay dacwada ka dhanka ah Taliyihii hore ee ciidanka madaxweynihii hore ayaa sheegtay in waxyabaha lagu soo eedeeyay ay ka mid ahaayeen inuu Baasabooro been abuur ah u sameeyay Madaxweynihii hore Bin Cali iyo xubno ka tirsan qoyskiisa taas oo u sahashay inay dalka ka baxaan.
 
Hasa yeeshee markii maxkamadda la furay fadhgii jimcihii maanta ayuu garsooruhu sheegay in danbiyadaasi ay noqdeen kuwo aan cadaymo badan ku fadhiyin sidaa darteed-na uu amrayo in ninkaas xoriyadiisi loo celiyo. Maxkamadda ayaa ku doodaysa in Bin Cali uu mastaafuris dalka kaga baxay Sucuudiguna magan galyo siiyay balse aanu sifo sharci ah ku galin dal kale
 
Ninkan ayaa ahaa ruuxa ugu dhow Madaxweynihii hore ee dalkaas isla markaana ahaa qofkii ugu danbeeyay ee salaanta ku sii siiyay garoonka diyaaradaha markii Madaxweynihii hore ee dalkaasi uu ka baxayay Tuunis, Bin Cali iyo 24-qof oo ka tirsan qoyskiisa ayaa diyaarad si deg deg ah uga raacay dalkaas ka dib markii kooxihii kacdoonka waday ee dalkaasi xoogaysteen isla markaana ku hanjabeen inay Madaxtooyada ugu gali doonaan.
 
Tuunisiya waxay ahayd dalkii ugu horeeyay ee kacdoonadda ka socda inta badan dalalka carabtu ay ka bilaabmeen, waxaanay iskaga xoreeyeen madaxweynihii dalkaas ka talinayay muddada 23-ka sanadood ahayd.
 
Inkastoo Maxkamaddu danbi ku wayday ninkan haddana waxa markiiba bilaabmay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo xukunkaa maxkamadda, oo isla muddo yar ka dib markii ay xukunka riday ay ka hor bilaabmeen mudaharaadyo gacan ka hadal isku badalay, dhinaca kale siyaasiyiin badan ayaa ku tilmaamay xukunka maxkamaddu riday mid fartu ku godan tahay oo aan si caddaalad ah u dhicin.
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews