Berbera: Sarkaal Booliska Ka Tirsan iyo Afar Askari Oo Ku Dhaawacmay Bambo-gacmeed Lagu Weeraray

 
Berbera-(Berberanews)- Taliye ku xigeenkii saldhiga dekeda berbera Raage Jaamac Maxamed iyo affar  askari oo ka tirsan ciidanka booliska Berbera, ayaa ku dhaawacyo kala duwani soo gaadheen, ka dib markii iska hor imaad dhexmaray niman ku hubeysan bambooyin oo hore u ahaan jiray ciidamada milatariga Somaliland oo guranayay biro iskaraab ah oo ku aasan ag agaarka haamaha keydka shiidaalka berbera
Shilkan, ayaa dhacay markii gaadhi boolis ah oo ka war helay hawlgalka lagu gurayo biraha iskaraabku weerareen goobtaas, halkaasoo ay ugu tegeen sadex nin oo ka tirsanaan jiray ciidanka milateriga, kuwaasoo markii laysku dayay in la joojiyay uu mid ka mid ahi biinka ka jaray bambo nooca gacanta laga tuuro ah oo isku difaacayay, halkaasoo ay ku dhaawacmeen shanta askari .
 
Taliye xigeeenka saldhiga dekeda Raage Jaamac Maxamed oo dhaawaciisu xunyahay ayaa  faliidhadii bambadu ka galeen uur-ku-jirta dhiigiina ku noqday balse gurmad ay sameeyeen dhakhaatiirta cisbataalka berbera kaga soo shubeen dhiigii ku noqday, iyadoo  ilaa haatan xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo cisbataalka guud ee Berbera.
 
 
Taliyaha Qaybta Booliska Berbera  ayaa sheegay inay sadexda  nin xabsiga u taxaabeen ciidanku oo ay hada xidhan yihiin. Sidoo kalena waxa khasaare xoog leh soo gaadhay gaadhiga boolisku wateen oo bombada lagu hoos tuuray.
 
Warar la xidhiidha dhacdadan, ayaa sheegaya in ciidanka boolisku hore ugu digeen kooxda iskaraabka guranaysay oo lagu wargeliyay inaanay wax iskaraab ah ka qaadi jarin goobtaas.
Berberanews.com
Berbera, Somaliland