Masuul Reer Somaliland ah Oo Ku Dhintay Jidgooyo Malleeshiyadda Puntland U Galeen Degmada Taleex iyo Xukuumadda Oo Digniin Culus Dirtay

Hargeysa-(Berberanews)- Maleeshiyada maamul goboleedka Puntland ayaa  jidgooyo ay u galeen degmada Taleex ku dilay Guddoomiyihii waxbarashada ee degmada Taleex Marxuum Maxamed Xasan Cartan, halka dhaawacyo soo gaadheen saddex xubnood, kuwo kalena loo kaxaystay Garoowe.
Weftigan oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Saleeban Cali Koore oo isaga iyo gaadhigiisii ka badbaadeen af-duubkaas waxay ahaayeen lix baabuur oo hawlo kormeer shaqo ah u tegay Taleex, halkaasoo si lama filaan ah jidgooyo ay ugu galeen maleeshiyo hubaysan oo Garowe ka timi.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Maxamed Muuse Abees oo si wada-jir ah shir  Jaraa’id caawa ugu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Hargeysa, ayaa hanjabaad iyo digniin u diray maamul-gobolleedka Puntland, kuwaasoo ay tilmaameen inay jabiyeen jidkii nabadda iyo wada shaqayntii ka dhaxeysa labada maamulkaas iyo Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ka warramay ujeeddada Weftiga ay weerareen malleeshiyaadka ka amar-qaata maamulka Puntland, waxaanu Wasiirku tilmaamay inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii maamulka Puntland uu ka noqon waayo arrinta ay malleeshiyaadkaasi ku kaceen. “Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo aannu ku heshiinnay inuu magaalada Taleex oo eheladiisii iyo dadkiisii soo salaamo, waxna kasoo qabto, jid-gooyo ayaa loo sameeyay, waana laga war helay, dad magaalada joogay oo sii sheegay saacada uu baxayaana way jiraan sidii loogu sii gali lahaa jid-gooyo, waana loo sii galay, markaa shil baa dhacay dad baa dhintay, dadna waa dhaawac, dadkaa dhintay iyo kuwa dhaawacmay dad hub sita may ahayn, dad colaad u socdana may ahayn, waxay doonayeen inay magaaladoodii Taleex gaadhaan oo eheladoodii ay u tagaan, taas waxaan odhan lahaa Puntland way ku qaldantay arrintaasina nabadgelyadii aanu wada soconay ee aanu ku wada shaqaynaynay way jabisay.” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Waxa uu sheegay wasiirku inay talaabo ku haboon qaadi doonaan haddii aanay Puntland ka noqon oo aanay qaadan dhibaatada ay gaysteen, waxaanu baaq u diray dalka Itoobiya oo uu xusay inuu ku jiray dhexdhexaadin nabadeed. Waxaanu yidhi: “Waxaanu leenahay Puntland haddii aanay ka noqon dadkaana soo dayn talaabaanu anaguna qaadaynaa, ka dib nabadgelyadiina halkaasay ku lumaysaa cidna dan uma aha arrintaas, waxaanu leenahay reer Puntland ka noqda waana la weeraray, markaa waxaanu leenahay Itoobiya oo nagu dhexdhexaadinaysay nabadgelyo, waxaanu u sheegaynaa in nabadgelyadii ay jabiyeen, haddii aanay ka noqon wixii ka yimaada iyagaa masuuliyadaa qaadaya Itoobiyana waanu u sheegaynaa.” ayuu yidhi Wasiirku.
La-taliyaha Madaxweynaha arrimaha doorashooyinka Maxamed Muuse Abees oo isaguna ka hadlay shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa haddallo hanjabaad iyo digniin isugu jira u diray maamula Puntland. “Horta ummada waxaanu inaanu wax dagaal ahi dhicin, ragga xagaa ka yimi iyo ragga xagan ka tagey rag isku qoys ah ayay ahaayeen oo warka loo kala gudbinayay, jid-gooyo ayaa loo galay weftigii uu hogaaminayay Xildhibaanku, waxaanu leenahay maamulka oo aanu u sheegaynaa cid ka dayac badani ma jirto madax gobolladaas marta iyaga ayaa ugu dayac badan, waxaanu u sheegaynaa madaxda la hayo haddii degdeg loo keeni waayo talaabo iyo waajibaad wixii nagaga aadan ayaanu ka qaadanaynaa oo cidna aanaan uga joojinayn oo ay caqligoodana u sheegaan oo ay degdeg u soo celiyaan gaadiidkayagii iyo dadkayagii iyo dhaawacyagiiba.” ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynuhu.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com