Roobab Khasaare Naf iyo Mood Leh Sababay Oo Ka Da’ay Gobolka Hargeysa iyo Gabiley

Hargeysa-(Berberanews)- Inta la ogyahay laba qof, ayaa ku naf waayay roobab laxaad leh oo maanta ilaa caawa ka da’ayay gobolka Hargeysa iyo Gabiley, ka dib markii  gaadhi ay saddex qof saarnaayeen fiidnimadii  daad ku qaaday dooxa magaalada Hargeysa.
Sida ay noo xaqiijiyeen dadweyne ka ag- dhaw dooxa Hargeysa gaadhiga daadku la tegay waxa laga badbaadiyay hal qof oo weheliyay labada marxuum ee daadku qaaday , iyada oo labadii qof ee kale aan xaaladooda wax war ah laga hayn, iyada oo la sheegay in gaadhigii daadku qaaday laga helay meel ku taal dhinaca bari ee caasimadda Hargeysa.
 
Dhinaca kale, roobabaka mahiigaanka ah ee ka da’ay gobollada Hargeysa iyo Gabiley oo weli sit eel teel ah u socda waxay khasaare gaadhsiiyeen dooxa magaalada arabsiyo oo daadku gebi ahaanba la tegay jidkii laamiga ahaa, halkaasoo ay ku xanibanyihiin boqollaal gaadiid ahi.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com