Maxkamadda Gobolka Saaxil Oo Xukun Culus Ku Riday Dhallinyaro Si Wada jira u Kufsaday Gabadh yar

Berbera- (Berberanews)- Maxkamada gobolka Saaxil ayaa maanta xukun isku mida ku riday laba dhalinyaro ah oo ay maxkamada horteeda kaga cadaatay inay kula kaceen fal kufsiya oo ay walibana nabarona ugeysteen gabadh yar oo reer Berbera ah horaantii bishan barakaysan ee ramadaaan.
Labada wiil ayey maxkamada horteeda kaga cadaatay inay six un u kufsadeen, isla markaana nabaro gaadhsiiyeen gabadha yar  oo 16 jir ah, magaceeduna yahay . Xamda Faarax Maxamed . . waxaanay dhakhaatiirtu maxkamada u soo gudbiyeen dhawaac muujin tilmaamaya nabarada ku yaala gabadhaa yare e la fara xumeeyey.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Saaxil ayaa . maxkamada horteeda ka akhriyay cadaymo la keenay maxkamadda horteeda oo la xidhiidha kufsiga lagula kacay gabadhan yar, isaga oo intaa kudaray in ay labada eedeysane  maxkamada ka hor qirteen falka kufsiga ah ee ay kula kaceen Xamda Faarax, iyada oo  labada dhallinyaro oo kala  ah Khadar Yuusuf Maxamed iyo Maxamed Cawaale Maxamed uu xukunkooda uu u cuskaday qodobada kala ah 398,400,71,iyo 45,XCG qodobadan afarta ah oo dhamaantood ah xeerka ciqaabta guud ayaa waxa uu Guddooomiyaha Maxmakamadda Gobolka Saaxil   Cismaan Ibraahin Daahir (Fanax) uu sheegay in ay dhigayaan in lagu xukumo shaqsiyaadka si wada jira u gala fal kufsiga in ciqaab isku mid ah lagu rido, isaga oo Guddoomiyaha Maxkamaddu ku dhawaaqay   in labadaa danbiile ay maxkamadu ku xuntay Midkiiba (10,sannadood oo xadhiga) iyo waxa ay xuquuqda gabadhaa yar ka soo qabto shareecada islaamku nabarada gaadhay marka ay Bogsadaan ee loo xaqo. Waxaanu  intaa ku daray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil    in labadaa dambiile hadii xaqa gabadha  yar ay bixin waayaan maxkamadu ugu beddeli doonto xadhig
 
Sida ay iftiimaysay warbixin ka soo baxday Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka oo lagu soo bandhigay fal-dembiyeedyadii kala duwanaa ee ka dhacay Somaliland sannadkii tegay 2010, ayuu gobolka Saaxil kaalinta koowad kaga jiraa falalka kusfiga iyo tuugada oo sannadkii tegay ka dhaceen 331 kiis oo tuugo ah iyo 27 kii oo kusfi ah.
 
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com