Maayerka Berbera Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Madarisad Diineed Cusub Oo Laga Dhisayo Xaafadda Burco-Sheekh Berbera

Berbera, August 10, 2011 (Berbera News) – Gudoomiyaha Degmada Berbera Cabdale Maxamed Cali ayaa Maalintii shalay Dhagaxi Kowaad dhigay Dhismaha Machad Diineed oo laga dhisi doono Xaafadda Burco-sheekh ee Magaalada Berbera. Madarasidan oo uu kharashka dhismaheeda ku baxaaya ku deeqay Ganacsade lagu magacaabo Jaamac Maxamed Cige(Caawiye) oo Degan Dalka Jabuuti balse dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Saaxil, ayaa waxa Munaasibada dhagaxdhiga Machadkan Cusub ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Berbera Cabdale maxamed cali, Xoghayaha Fulinta Maamulka Gobolka Saaxil Cabdi Ibraahim Oogle, Isuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Gobolka Saaxil Sh. Suleemaan, xuno kamid ah golaha Degaanka Culamaa’udiin iyo xubno door ah oo isugu jiray Odayaasha iyo wax garadka kale ee degan xaafada Milcaamada Laga dhisayo. Duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Cali (Sandheere) iyo Isuduwaha Awqaafta ee Gobolka Saaxil Sh. Suleemaan oo ka hadlay Munaasibadaasi dhagax dhiga Machadkan Cusub ayaa uga mahad celiyey Muwaadinka Mashruucan khayraad ku deeqay Illaahayna uga Baryay in uu ka siiyo Xasanaad isaga iyo cid kasta oo gacan ka gaysta inta uu Socdo hirgelinta Dhismaha machadkan Cusbi.