Guddida Abaaraha Somaliland oo kooxo xaqiiqo-raadis ah u kala diray dalka

Hargeysa(Berberanews)- Guddida Qaran ee Abaaraha Somaliland ayaa kooxo qiimayn iyo indho-indhayn ku soo sameeya heerka abaarta dalka u kala diray lixda gobol ee Somaliland.

Guddida Abaaraha oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Hay’adda Aafooyinka ee NERAD ayaa sheegay in kooxaha la dirayaa ay ka kooban yihiin lix, kuwaasoo soo qiimayn doona xaaladda abaareed, Dadka, Xoolaha iyo Deegaanka, waxaanay xubnaha Guddidu hadallo dardaaran iyo hogatusaalayn ah ujeediyeen kooxaha hawsha gudagali doona.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliand Sacad Cali Shire oo ugu horreyn ka hadlay ujeeddada keentay in xilligan ay gobollada u diraan kooxo ama ay qiimayn ku sameeyaan, ayaa yidhi; “Baryahan waxa gobollada ka imanayey qaylo dhaan sheegaysa in Abaartii sii xumaanayso oo dadka oo dhan ay saamaysay, hallagu sii kala bate. Khaasatan Xeebaha Bari illaa Galbeed iyo gobollada Bari ee Sool iyo Togdheer, Abaartaasi waxay sababtay in Xoolihii ay ka baxaan oo dadkii ay magaaladii soo galeen, Xaaladdaas si warkeeda loo sugo oo aynu u helno gobol walba xaaladda uu ku sugan yahay, hadday noqoto xaaladda Xoolaha, xaaladda deegaanka, xaalada Deegaanka ayay Guddidu garatay inay lix kooxood u kala dirto lixda gobol oo degmo kasta lasoo maro oo xaaladda lasoo arko oo dadka la wareysto oo sawirro laga soo qaado oo xogtaas la soo ururiyo oo warbixin laga sameeyo.” “Ka dibna talo laga qaato warbixintaas, hadday ay noqoto wax inagu aynu qabsanno Qaran ahaan iyo haddii ay noqoto wax aynaan kala maarmayn Hay’adaha caalamiga ah.” ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-Daahir Cali oo isaguna ka mid ah Guddida Abaaraha, ayaa tilmaamay qaabka ay kooxahaas tagaya gobolladu u hawlgali doonaan. “Hawsha maanta kooxihiinnan loo dirayaa waa hawl ballaadhan tiradiinnu ma badna wax badan ayaa la idinka sugayaa, waxa la idinka rabaa lixdaa gobol inaad tagtaan oo aad soo eegtaan Xooluhu siday yihiin, Dadku siday yihiin, Deegaanku sida uu yahay.” ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xooluhu Dr. Cabdi Aw-Daahir.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-Xoog), ayaa sheegay in Abaarta ba’an ee Soomaaliya ka taagan haddii aynaan ka hortag samayn inay saamayn karto Somaliland. Wasiirka Caafimaadka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Qorshahani waxa weeye inaynu xaaladdeenna qiimayno waxa innagu soo fool leh, si wixii dhib ah ee iman karta aynu intii suurogal ah uga hortagi karno gaajada ka jirta aynu dawladnimada dheeraanno, haddana haddii ay sii socoto, haddii aanu Illaahay Roob inoo keenin way inna saamayn kartaa.”

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka warramay hawlihii ay Guddidu soo qabatay intii ay magacawnayd iyo waxa looga baahan hadda. “Guddida Abaaruhu waxay shaqada bilaabeen bishii 2aad ee sannadkan, markii Roobka la waayay degdeg ayaa loo hawlgalay lacag ku dhaw hal milyan oo Doollar ayaynu Biyo-dhaamis ku bixinnay, nidaamku wuxuu innoo suurtogeliyay inaynu is aamminno oo wixii dadka wada gaadho.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.