Golaha Guurtida oo dood xasaasi ah ka yeeshay Xeerka furashada Ururrada siyaasadeed

Hargeysa(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland, ayaa maanta dood xasaasi ah ka yeeshay Xeerka furashada Ururrad Siyaasadda iyo nidaamka Axsaabta badan ee Somaliland, isla markaana waxay saluug weyn ka muujiyeen qaar ka mida qodobbada xeerkaas oo ay hore u  ansixiyeen Golaha Wakiilladu.

Fadhigii maanta ee Guurtida oo uu guddoominayay Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee golahaasi Sheekh Axmed Nuux Sheekh furre, ahna ku-simaha Guddoomiyaha Guurtida, ayay Xildhibaannadu si qoto dheer ugaga doodeen Xeerkaas.

Xildhibaannada doodda Xeerka Ururrada Siyaasadeed fikirkooda ka dhibtay qaarkood, ayaa soo bandhigay saluug ay ka muujiyeen Lacagaha laga qaadaayo cidda furanaysa ururrada siyaasadeed. Waxaanay ku doodeen inay lacagtaasi badan tahay, iyagoo sidoo kale walaac ka muujiyey sababta saddexda Xisbi Qaran ee immika jira looga daayey Lacagtaas in laga qaado.

Xidhibaanno kale oo golahaas ka tirsan ayaa iyaguna sheegay inay xeerkaas qabyo badani ka muuqato, loona baahanyahay in wax badan laga beddelo. Laakiin Xidhibaannadii dooddaas ka qaybqaatay badankoodu waxay dalbanayeen in duuddub lagu ansixiyo Xeerka Ururrad Siyaasadda oo aan doodba  laga yeelaan, iyaga oo ku dooday in Qaranka waxyaabo badani horyaallaan, isla markaana aan loo baahnayn in wakhti badan la iskaga lumiyo arrinta Xeerkaas oo runtii ah mid xasaasi ah wakhtigan.

Golaha Guurtida oo Kalfadhigoodii caadiga ahaa dhammaaday, isla markaana fasax galay bilashadii Ramadaan ka hor, ayaa Axaddii toddobaankan dib isugu soo noqday, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) fadhi aan caadi ahayn ka dalbaday inay isugu soo noqdaan sabtidii, si ay fasaxooda u qaataan iyaga oo meel-mariyey Xeerka furashada ururrada siyaasadda oo ay u xayiran yihiin doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka oo wakhtigoodu taagan yahay daba-yaaqada sannadkan 2011.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.