Calaamatu Su’aal ka Taagan Sababta Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisii Weli ugu Sugan Yihiin Addis Ababa

Addis Ababa (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa la sheegay inay weli ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, iyaga oo halkaasi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin iyo masuuliyiin dawladda Itoobiya ka tirsan.

Lama garanayo sababta baajisay weftiga madaxweynaha oo la filayey inay maanta gaadhaan dalka Shiinaha oo booqashadoodu ku jihaynsnayad, balse warar Berberanews ka helay Addis Ababa iyo caasimadda Hargeysa, ayaa xaqiijiyey in weftiku joogaan hudheelkii ay ku degeen ee Sharaton ee magaalada Addis Ababa, iyada oo si rasmi ah loo garanayn xilliga iyo wakhtiga weftiga madaxweynuhu u dhoofi doonaan wadanka Shiinaha.

Warsaxaafadeed habeenimadii Salaasadda laga soo saaray madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in weftiga madaxweyne Siilaanyo u ballansanaayeen inay Salaasadii shalay Addis Ababa kulamo kula yeeshaan diblomaasiyiinta reer galbeedka, balse madaxtooyaddu shalay ilaa xalay kamay hadal in kulamadaasi dhaceen iyo waxyaabihii lagaga wadahadlay, inkastoo afhayeenka Madaxtooyaddu Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu sheegay in safarka madaxweynaha ay ku soo beegmeen xilli fasaxyo lagu jiro islamarkaana kulamo dheeraada la lahaa dublamaasiyiin iyo madax ka tirsan Itoobiya isagoo aan sheegin waxyaabaha ay ka wada hadleen,. Waxaannuu xusay in laga yaabo madaxweynuhu inuu beri u baxo dalka Shiinaha.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com