Mucaaridka Libya oo qabsaday magaalo Duleedka Caasimada dalkaas ku taala aadna ugu dhawaanaya Tripoli

Tripoli, (Berberanews/Reuters) Xoogaga ku kacsan hogaamiyaha dalka Libya Mucaamar Al-Qadaafi ayaa u muuqda inay guulo waawayn ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan ciidamadda u daacada ah Qadaafi marka loo eego dhinac galbeed ee caasimada dalkaas ee Tripoli.

Sida wararka laga helayo aaga hore ee dagaalku muujinayaan, mucaaridka dalkaas waxay gabi ahaanba maanta la wareegeen magaaladda Bi’rul Qanam oo wax 70-km ka yar caasimada dalkaas dhinaca galbeed uga jirta. Sidoo kale waxay magaaladani noqonaysaa halkii ugu danbaysay buuralayda dhinaca galbeed ee dagaalka adagi ka socday.
 
Sida qof u hadlay kooxaha mucaaridka ah uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters waxa muuqda astaamo muujinaya in ciidamadii Qadaafi kala daateen kuna rajo wayn yihiin inay ka hor dhaqaaqaan kooxaha mucaaridka ah.
 
Ninka oo lagu magacaabo C/xamiid Jardaani waxa uu yidhi, “Ciidamada golaha ku meel gaadhka ah ee libya oo ah golaha beesha caalamku u aqoonsan tahay inuu sharci ahaan dadka reer Libya Matalo waxay u muuqdaan kuwo imika gaadhay meeshii ugu danbaysay ee Tripoli laga gali lahaa, waxaanan wadnaa sifaynta magaalada Bi’rul Qanam ka dibna waxaanu u dhaqaaqi doonaa dhinaca caasimadda laakiin ka hor waa in aanu goynaa jidka xeebta mara ee halbawlaha ah.”
 
Si kastaba ha ahaatee dirirta Libya oo gashay bishii todobaad waxay u muuqataa mid wali daba dheer, waxa kale oo dunida iyo dadka saadaaliya arrimaha difaacu ka yaaban yihiin adkaysiga ciidamadda Qadaafi u daacada ah.
 
Magaaladda Bi’rul Qanam waa magaaladda ugu xigta dhinac galbeed caasimada dalkaas, sidoo kale waa magaaladii ugu danbaysay magaalooyin xidhiidhsan oo ku teedsan buuraleyda dhinaca galbeed ee dalkaas.
 
 
 
Faysal  Maxamed Xasan